Xubno ka tirsan Musharaxiinta oo ku kulmay Muqdisho

Qaar kamida xubnaha Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Xubno ka tirsan Musharaxiinta oo ku kulmay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar ka mid ah xubnaha Midowga Musharraxiinta ayaa caawa kulan Casho ah ku qaadanaya Hotelka Elite ee magaaladda Muqdisho.

Golaha ay ku mideysan yihiin Musharaxiinta ugu cad-cad madaxtinimada Soomaaliya ayaa dib uyeelanaya kulan kaddib khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay xubnaha.

Waxay ku kala qeybsameen doorka RW Rooble oo qaar kamida xubnaha shaki weyn ay ka muujiyeen, halka qaar kalena ay la safteen Ra'iisul Wasaaraha. Arrintaas ayaa waxay keentay in kala shaki iyo kala qeybsanaan soo kala dhex galo golaha oo markii hore lahaa ujeedooyin isku mida.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.