Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Kulanka ayaa waxaa kale oo Goobjoog ahaa Wasiirka Gaashandhiga,Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare C/wali oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Xukumadda Soomaaliya ay ku dhaqaaqeyso Dagaal dhab ah oo Al-shabaab lala galayo,waxaana uu Xusay in uu Amar siiyey Laamaha Amaanka iyo sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga oo ah sii hayaha Wasiirka Amniga Qaranka.
C/wali Sh ayaa sidoo kale Goobta ka Cilaamiyey Todobaad uu ugu Magacdaray Kacdoonka Dad weynaha iyo Xukumadda,kaas oo uu sheegay in lagu xasuusanayo Dadkii Al-shabaab ay Dileen.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare C/wali ayaa Baarlamaanka Soomaaliya mar kale ka Codsaday in ay Meel mariyaan Ansixinta Sharciga la dagaalanka Argagixisada,kaas oo uu sheegay in ay wax badan ku Xaniman yihiin.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xili wali Caasimada ay ka dhacayaan Qaraxyo iyo Dilal Qorsheysan.
Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments