Xukun lagu riday xubin ka tirsan Al-shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa muddo soo waddey kiiska shaqsigan ka tirsan Al-shabaab, iyado ugu dambeyn maanta xukun lagu riday.

Warar Keydmedia Online
Xukun lagu riday xubin ka tirsan Al-shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa aanta xukun ku ridday shaqsi la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab, waxaana xukunkaan uu ka dhacay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku eedeysay Farxaan Maxamuud Xasan inuu ka mid ahaa Fure-haayayaasha xabsiyada Al-shabaab ee deegaannada ay maamulaan, sidoo kalena wax ka abaabulay weerarkii lagu qaaday saldhigga Maraykanka Manda Bay ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Korneel Xasan Cali Shuute ayaa ku dhowaaqay xukunkan, wuxuuna sheegay in Farxaan lagu helay dambiga lagu soo eedeeyey, laguna xukumay xabsi daa’in ah.

Maxamadda ayaa sidoo kale sheegtay xukunsanahan in uu haysto muddo 30 cisho ah, haddii aanu ku qancin xukunkaan si uu racfaan u qaato.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa horey sidan oo kale xukunno ugu riddey xubno ka tirsan Al-shabaab iyo askar ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.