Xukun lagu ridey shaqsi qarxin rabay Tiyaatarka Qaranka

Ninkaan ayaa lagu eedeeyey inuu isku diyaarinayey Qarax uu ka fuliyo Tiyaatarka Qaranka.

Warar Keydmedia Online
Xukun lagu ridey shaqsi qarxin rabay Tiyaatarka Qaranka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxa ay maanta xukun ku riddey Nin la sheegay inuu watay Boorso ay ka buuxeen walxaha qarxa, islamarkaana ay qabteen ciidamada ammaanka.

Eedeysanahan oo lagu magacaabo Xasan C/laahi Aadan ayaa lagu qabtay Ex-control Afgooye, waxaana la sheegay in uu isku diyaarinayey qarxinta Tiyaatarka Qaranka waa sida qoraalka maxkamadda lagu sheegaye.

Maxkamadda ayaa sheegtay in baaritaan dheer kadib Xasan Cabdullaahi Aadan uu qirtay in Sanad iyo xoogaa uu lasoo shaqeeyay Kooxda Al-shabaab, waxa uuna Alshabaab kaga biiray Buur Dhuxunle oo ka tirsan Gobolka Bakool Sanadkii 2018.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah Xasan Cabdullaahi Aadan, waxa ayna Maxkamadda ballamisay 26 bishii Tobnaad Sanadkan.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in Xasan Cabdullaahi Aadan lagu xukumo Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu Rafcaan ku dalban karo muddo 30 Cisha ah xukunka Kadib.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.