Xukuumad kalsoonidii lagala noqday wax ma magacaabi kartaa?

Baarlakaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore kalsoonida kala noqday xukuumadda Xasan Cali, haseyeeshee waxaa si caadi ah howshooda u wato Golaha Wasiirada.

Warar Keydmedia Online
Xukuumad kalsoonidii lagala noqday wax ma magacaabi kartaa?

Muqdisho, Soomaaliya – Xilli shalay Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay ansixiyeen shan xubnood oo ka mid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka dalka ayaa waxaa arintaas dood ka keenay sharci ahaanteeda sharciyaqaanno Soomaaliyeed.

Daahir Maxamed Cali Daahir Carab oo ah xoghaya ururka qareennada Soomaaliyeed ayaa sheegay in xukuumad sii haya ah aysan sharci u laheyn sameynta sharciyo iyo magacaabis, arintii shalayna ay aheyd mid aan habraac loo heysan.

Abuukaataha ayaa qoraal uu bartiisa facebook ku dabacay ku sheegay in ay sharci darro tahay magacaabista Golaha Adeegga Garsoorka oo ay meel mariyeen Golaha Wasiiradda Soomaaliya ee aan kalsoonida baarlamaanka heysan, isla markaana Dastuurka la baal maray.

Halkaan hoose ka aqriso qoraalka Abuukaataha oo qodobeysan:

“Magacaabis sharciga baarlmarsan
shalay oo ku beegneed 30/7/2020, waxaa la sheegay in Xukumadda xilka siihaysa ay magacawday 5 Xubnood oo ka mid noqon doono Xubnaha Golaha adeegga garsoorka’ magacaabistaas waxay baalmarsantahay Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka sababaha soo socda awgood:
1- ugu horrayntii golaha wasiirradu waxay soo jeedi karaa 3 Xubnood oo ka mid noqonaaya golaha adeegga garsoorka’ labada kale waxaa soo magacaabaaya ururka qareennada Soomaaliyeed fiiri farqadda labaad ee qoddobka Qodobka 109A ee Dastuurka FKMG sidoo kale Xaraf E farqadda 1aad ee Qodobka6aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka sharci Le 28 soona baxay 8/7/2014’ waxay u qorantahay sidaan (Labo Qareen Sare oo xubin ka ah Ururka Qareennada soomaaliyeed uu soo magacaabay Golaha Qareenada soomaliyeed oo xilka haynayaa muddo afar Sano Ah ). waxaa cad oo aan shaki ku jirin in golaha wasiirradda ee Xilka siihaya ay magacaabeen xubno uusan dastuurku iyo sharcigu midna uusan siin magacabistooda.
2- Shanta Xubnood oo ay magacawday Xukuumadda Xilka siihaysa ma aha Xubno buuxiyay Shuruudaha Ku xusan qoddobka 8aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka.
3- Xukuumadda Xilka siihaysa shaqadeedu waa sii wadidda hawlihii horay Xukumaddu u bilawday inta aan lagala noqon kalsoonida’ Xukumad aan kalsoonida barlamaanka haysan ma magacaabi karto golayaal cusub mana keeni karto wax ka duwan hawlihii horay u socday sida laga fahmaayo micnaha qoddobka 103aad ee Dastuurka.

ugu dambayntii magacaabista shalay dhacday waxay baalmarsantahay Dastuurka iyo sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka waana ku tumasho sharci oo qaawan’ sidaa awgeed waxaan labada aqal ee barlamaanka ka rajaynaynaa in aysan aqbalin sharci darro.
sidoo kale waxaan rajaynayaa in ururka qareennadu qaado talaab kasta oo sharci oo looga hortagaayo ku tumashada sharciga oo ay samaysa Xukuumadda kalsoonida barlamaanka waysay”.

    Commenting is not available in this channel entry.