Xukuumada oo bilaabaysa Dhagaysiga Teleefoonada

Muqdisho (KON) Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay wado qorshe ay ku doonayso inay ku dhageesato Taleefoonada dadka amaan darida wada.
Warar Keydmedia Online
Xukuumada oo bilaabaysa Dhagaysiga Teleefoonada

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaan la doonayo in baarlamaanka uu meelmariyo ka dibna xukuumadu ay bilowdo arintaasi.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xusay in la dhageesan doono dadka amaan darida looga shakiyo si looga hortago wax walba oo ka soo horjeeda amaanka oo ka dhaca wadanka.

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo gudbiyay Hindisaha la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada oo ay xukuumadu soo gudbisay.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho