Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay qorshaha dib u dhiska dalka

Muqdisho (KON) Xukuumada Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay qorshaha dib u dhiska ee haatan kaga yaala wadanka.
Warar Keydmedia Online
Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay qorshaha dib u dhiska dalka

Wasiirka wasaarada howlaha guud Muxudiin Maxamed Kaalmooy ayaa wuxuu sheegay in qorshaha dib udhiska dalka Soomaaliya uu yahay mid ballaran ugu horeyna la sameynayo tirakoob qarashaadka ku baxaya dib udhiska.

Kaalmooy wuxuu sheegay in inta aan la bilaabin dib udhiska dalka Soomaaliya la sameynayo daqliga ku baxaya dhismaha xarumaha la doonayo in dib loo dayactiro in la ogaado.

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta ay sameysay qorshe ballaaran oo dib loogu soo celinayo hantida dowladda ee sida gaarka ah ay uheestaan dadka,taasina iminka ay socdaan.

Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay meesha ka baxday Xukuumadii dhexe ee dalka waxaa dalka uu cagaha la galay burbur sokeeye oo ilaa iyo iminka saameyntiisa ay muuqato.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.