Xukuumadda oo ka jawaabtay hadalkii Midowga Musharixiinta

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadalkii Midowga Musharaxiinta ee ahaa in aysan Famaajo u aqoonsanayn Madaxweyne, madama uu waqtigiisa sharciga ahaa ku ekaa 8 February 2021.

Warar Keydmedia Online
Xukuumadda oo ka jawaabtay hadalkii Midowga Musharixiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wali Farmaajo yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee Jamhuuriyadda, xafiiskana uu sii joogi doono inta laga dooranayo Madaxweyne isaga badala.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa soo jeedinta mucaaradka ku tilmaamay mid aan sharciyad ku fadhin, wuxuuna sheegay in uu jiro qaraar ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka uu waqtigoodu dhamaaday kaas oo sheegaya in Baarlamaanku uu sii shaqeynayo inta laga helayo mid kale oo badala, wuxuuna ku dooday in hay’adaha dowliga ah oo dhan uu qaraarkaas u furan yahay.

Macalimuu oo ka hor inta aan loo magacaabin Afhayeenka Xukuumadda si adag kaga soo hor jeeday hab muumulka dowladda uu waqtigeedu dhamaaday ayaa yiri, " Inta Madaxwayne laga dooranayo ama inta Baarlamaan cusub laga dooranayo, waxaa shaqeynaya Madaxweynaha iyo baarlamaanka hadda jira”.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.