Xukuumadda oo kala qeybineysa Musharaxiinta

Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay ku dooneyso in ay ku kala qeybiso golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021

Warar Keydmedia Online
Xukuumadda oo kala qeybineysa Musharaxiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo wixii ka dambeeyay goortii uu burburay shirkii usocday Xukuumadda ee uu hoggaaminayay RW Xilgaarsiinta ah ee Rooble iyo golaha midowga musharaxiinta ayaa waxaa isa soo tarayay walaaca laga qabo in dib uu ubillaaban karo heshiiska.

Afhayeenka xukuumadda ayaa qoraal kooban kusoo qoray bartiisa Facebook -ga, waxa uuna sheegay in la filayo kulan dhawaan dhex mari doona madaxda dowadda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada "Iyada oo dhawaan la filayo in uu Muqdisho ku qabsoomo kulankii u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada dalka si loo dhameystiro Hishiiskii 17ka Siteembar 2020," ayuu yiri Maxamed Ibraahim Mucalimuu.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa intaa raaciyay isagoo muujinayo sida ay xukuumaddu u dooneyso in ay ula kulanto musharaxiinta si gaar-gaar ah, waxa uuna yiri "Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wada-hadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro hishiis iyo is afgarad, dalkuna uu doorasho u aado

Dhawaan ayuu Afhayeenka golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle sheegay in ay daneenayaan in ay sii wadaan wada-hadalladii ay la lahaayeen xukuumadda xil gaarsiinta ah ee uu RW Rooble hoggaamiyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.