Xukuumadda Rooble oo ka jawaabtay eedeynta mucaaradka

Xukuumadda ayaa jawaab ka bixisay hadal xalay ka soo yeeray Golaha Midowga Musharixiinta, kaas oo ahaa in aysan aqbali doonin natiijada doorashooyinka socda ee boobka ku suntan.

Warar Keydmedia Online
Xukuumadda Rooble oo ka jawaabtay eedeynta mucaaradka

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Ibrahim Macalimuu, oo muuqda inuu ka jawaabayo, hadal xalay ka soo baxay Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uusan ahayn garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo.   

Macalimuu, wuxuu xusay in dalku ku jiro marxalad kala guur ah oo u baahan dhamaan dhinacyada siyaasadda in ay gacan ka geystaan dardargalinta doorashooyinka, iyada oo la tixgalinayo sixitaanka dulduleellada ka jira habraacyada doorshada ee la dajiyay.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa ka go’an isaga oo kaashanaya Golaha Wadatashiga Qaranka in la dhawro hufnaanta doorashada , waana sababta uu had iyo jeer guddiyada kala duwan ee doorashooyinka iyo guddiga xallinta khilaafaadka kulamada uu la yeesho uu ugu adkeeyo in ay doorashada u maamulaan si daahfuran”. Ayuu yiri Macalimuu.

Wuxuu tilmaamay in qabsoomidda doorashada ay tahay xalka kaliya dalkan uu uga gudbi karo marxaladda uu maanta taagan yahay, wuxuu qiray in ay cillado jiraa, isla-markaasna loo baahan yahay im sixitaankooda loo maraa hab waafaqasan habraacyada doorashada.

“Ra’iisul Wasaaruhu maaha garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo”. Ayuu yiri.

Midowga Musharixiinta, ayaa sheegay, in aysan aqbali doonin, natiijada doorashooyinka boobka ah ee Golaha shacabka, waxay qireen in la baal-maray odayaashii dhaqanka, wax ergo ahna aan tababar loo furan, taa baddelkeedana ergada laga dhigay shaqaalaha rayidka iyo ciidamo ka tirsan dowladda.

Mucaaradka ayaa la sheegay in ay diyaarinayaan qorshe dhidibada loogu taagayo Gole Qaran oo ku meel gaar ah, kaas oo dalka ka saara xilliga kala guurka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.