Xukuumadda Rooble oo laga joojiyay heshiisyada ay galayso

Go'aankan ayaa imaanaya xili Xafiiska xeer Ilaaliyaha uu tagi waayay maalmo kahor Wasiirka Batroolka Eng C/rashiid oo su'aallo laga waydiin lahaa heshiiska shidaalka mugdiga lagu saxiixay bishii Febuary 2022, kaasoo Farmaajo wax ka ogaa.

News Keydmedia Online
Xukuumadda Rooble oo laga joojiyay heshiisyada ay galayso

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay inuu warqad uu u diray dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya, taasoo uu ku joojiyay galitaanka ama billaabidda dhaqan-galinta heshiisyada dheef wadaagga (Concession Agreements) inta lagu guda jiro xilliga doorashada.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hantidhawrka maanta oo Khamiis ah, ayaa lagu sheegay in Hay'ad kasta oo dawladeed ama Mas'uul kasta oo jebiya amarkan ay la kulmi doonto tallaabo sharciga waafaqsan.

Go'aankan ayaa imaanaya xili Xafiiska xeer Ilaaliyaha uu tagi waayay maalmo kahor Wasiirka Batroolka Eng C/rashiid oo su'aallo laga waydiin lahaa heshiiska shidaalka mugdiga lagu saxiixay bishii Febuary 2022, kaasoo Farmaajo wax ka ogaa.

C/rashiid iyo Farmaajo, waxa ay heshiiska ay la galeen Coastline Exploration LTD, doonayeen in ay ku qaataan 14 Milyan oo dollar, in kastoo wasiirku sheegay in ay lacagtu gaareyso 7 milyan oo dollar.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.