Xukuumadda Rooble oo raalli-galineysa ONLF iyo Qalbi-dhagax

Billowgii September 2017, Xukuumaddii Kheyre, ayaa sheegtay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhsi ku howllanaa falal liddi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya isla-markaana uu gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab, hayeeshee, ma jirin caddeymo buuxa oo ay keentay.

News Keydmedia Online
Xukuumadda Rooble oo raalli-galineysa ONLF iyo Qalbi-dhagax

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay xoogo hoose sheegayan qaaraar raalli-galin ah, ayaa maanta la hor-geynayaa Golaha Wasiirrada Xukuumadda Xil-gaarsiinta, kaas oo loo dirayo Ururka ONLF, iyo Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax oo hore uu dhibaato ugu geystay Maamulkii Farmaajo.

Xukuumadda uu hoggaamiyo RW Rooble, ayaa u muuqata in ay qaadatay siyaasad deggan, si ka duwan middii qar-iska-tuunimada ku dhisneyd ee Kheyre hoggaaminayay, waxaana la filayaa in laga laabto, go’aankii ay Xukuumaddii hore 2017 ONLF, ugu aqoonsatay Urur aragagixiso.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa la filayaa in ay raalli-galin buuxda siiyaan Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax, oo Farmaajo, Kheyre iyo Fahad Yaasiin, u dhiibeen Itoobiya 2018, kadib markii laga soo af-duubay Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Billowgii September 2017, Xukuumaddii Kheyre, ayaa sheegtay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhsi ku howllanaa falal liddi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya isla-markaana uu gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab, hayeeshee, ma jirin caddeymo buuxa oo ay keentay.

Bishii Agoosto 2021, Rooble, ayaa magaalada Nairobi kula kulmay, Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh [Maadeey ] iyo Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax, wuxuuna xilligaas Ra’iisul Wasaaruhu ka raalli-galiyay gobood-falka lagula kacay.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya [oo loo soo gaabiyo ONLF], waa Jabhad ku dhisan dhaq-dhaqaaq bulsho iyo mid siyaasadeed, taas oo la aas aasay 1984-kii, si ay ugu ololayso aayo ka tashiga Soomaalida ku nool deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Qalbi-dhagax, wuxuu ka mid ahaa askartii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay dagaalkii 1977-kii uu dalku la galay Itoobiya, hayeeshee, ugu danbeyn Dowladda Soomaaliya ayaa u gacan galisay waddankii uu muddada dheer dagaalka kula jiray, ka hor inta aan cafis guud lagu fasixin.

RW Rooble, wuxuu hore u hagaajiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee dalalka Kenya, Jabuuti, Imaaraadka, Masar iyo Sucuudiga oo Xukuumaddii ka horreysay wax-yeelleysay, wuxuuna dhowrkii bilood ee la soo dhaafay soo kordhiyay siyaasad jaan-go’an oo dad isku-wad leh.

KEYDMDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.