Xukuumadda Soomaaliya: Xal u helida colaadii mudug wali waa qabyo

Mudug(keydmedia) Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga dowladda KMG ah C.shakuur Shiikh Xasan Faarax oo ka mid ah xubnihii dowladda ay u dirtay xalinta dhibaatadii ka dhacday mudug ayaa sheegay in wali xalkii arintaasi uu qabyo yahay.
Warar Keydmedia Online
Xukuumadda Soomaaliya: Xal u helida colaadii mudug wali waa qabyo

C.shakuur ayaa sheegay in xal ka gaarista dhibaatada ay u dajiyeen seddex qodob oo uu sheegay laba ka mid ah in ay hirgaleen waxaana qodobadaasi uu ku sheegay Wasiirka, Xabad joojin, Ciidamada in la kala qaado iyo in biyaha la wada cabo maadaama abaar ay jirto, waxaana uu xusay in qodobka biyaha leysku mari waayay.

Sida muuqata gudiga dowladda marnaba ma soo hadal qaadin xasuuqii dhacay, waxaana ay u wajaheen waxa dhacay sida dad dagaalamay oo arinkooda la xalinayo, waxaana tani ay keeni kartaa in dhibaata gaamurta oo uur-ku taala reebta laga dhaxlo.

 www.keydmedia.net