Xulashadii Kuraasta Aqalka sare ee Galmudug oo soo idlaatay

Kulan Xulasho ah, oo loo ekeysiiyay madal doorasho, oo lagu soo saaray Lix Sanatar oo ka mid noqonaya Aqalka Sare, ayaa dhawaan ku soo gabagaboobay Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Xulashadii Kuraasta Aqalka sare ee Galmudug oo soo idlaatay

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Xulasho Lix kursi oo ka mid ah Siddeeda kursi, ee Maamulka Galmudug uu ku leeyahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya, oo maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa soo gabagaboowday.

Sida ay hore u sheegtay, Keydmedia Online, Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, ayaa kuraasta u xiray Lixda Sanatar ee ku soo baxday, waxaana dhamaantood lagula qoray dad ehelkooda ah, taas oo sababtay in ay is casilaan musharixiiintii maqaar saarka ahaa.

Lixda Kursi, ee maanta ka soo baxay magaalada Dhuusamareeb, ayaa kala ah;

  • Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) - Murusade.
  • Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagay) - Duduble.
  • Saciid Siyaad Shirwac – HG- Saleebaan.
  • Samsam Daahir Maxamuud – Abgaal, Waceysle.
  • Cabdixakiim Macallin Axmed - HG-Cayr.
  • Duniyo Maxamed Cali – Dir.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.