Xulista Xildhibaanada HirShabeelle oo la musuq maasuqay

Doorashaddii ugu musuq-maasuqa badnayd ayaa ka socota HirShabeelle, waxaana aad loo dhaliilay hogaanka maamulka oo noqday mid jilicsan oo ku shaqeeya rabitaanka Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
Xulista Xildhibaanada HirShabeelle oo la musuq maasuqay

MUQDISHO, Soomaaliya - Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inay HirShabeelle burburinayso, islamarkaana ay sii kala fogeynayso beelaha maamulka wada dhistay, kuwaasoo ku kala qeybisay doorashadda hadda dhacaysa.

Liis Xildhibaanno ah, oo shaqsiyaad ay soo qorteen ayaa lagu dhawaaqay, iyadoo haddana la wado Madaxweyne Muqdisho laga keenay oo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin usoo xushay inuu danahooda u adeeggo.

Beelaha HirShabeelle ayaa aad u cambaareeyay gudiga farsamada ee doorashadda Xildhibaanadda kaaso ku guul-dareystay inuu qabto doorasho hufan, xor iyo xalaal ah, taasoo shacabka ay kusoo dooranayaan cida ku matelayso Baarlamaanka.

Madaxweyne Waare oo waqtigiisa dhamaadey ayaa la aamusiyay, isagoo noqday wadada Fahad Yaasiin u maray inuu gacanta ku dhigo HirShabeelle doorashadeeda, waxaana xafiiskiisa shaaciyaa waqradaha Villa Somalia looga soo diro.

Warar hoose oo Keydmedia Online ka heshay Mas'uuliyiin ku sugan Jowhar ayaa sheegay in Xildhibaanada cusub la waydiiyay inay bixiyaan $500 si ay u helaan kaarka aqoonsiga Xildhibaanimo iyo lacag $10 oo diiwaangelin ah.

Mashruuc dhaqaale laga sameeyo ayay noqotay doorashadda HirShabeelle, waxaana muran iyo dood badan ka taagan tahay doorashadda Madaxweynaha, oo laga wareejiyay beesha Xawaadla oo kursiga ku fadhisay tan iyo 2016, iyadoo laga dhigayo musharax Abgaal ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.