Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Gabdhaha Soomaaliya oo 3 ciyaar ay u harsantahay ayaa kulankii 1aad ee tartankaan waxaa 84-36 guuldaro ay u saariyay gabdhaha xulka Egypt.
Ciyaarta 3aad gabdhaha Soomaaliya waxey 15-ka bishaan la filayaa in ay la ciyaaraan gabdhaha Lubnaan, waxaana u hari doona 2 ciyaar oo ay la kala ciyaari doonaan gabdhaha xulalka Kuwait iyo Jordan.
Maryan Xuseen oo ah kubadd qeybiyaha gabdhaha Soomaaliya ah ayaa loo aqoonsaday ciyaaryahanadii ugu fiicneed ciyaartii galabtay , waxeyna dhalisay 23 dhibcood, sidoo kale Manal Ali ayaa dhalisay 16 dhibcood.
Soomaaliya tartanka All Arab Games waxaa sidoo kale ugu qeybgalaya marka laga soo tago 12ka gabdhood ee Basketball ah, 6 ciyaartoy oo ciyaaraha Athletic ama Orodka ah iyo 5 ciyaartoy oo ciyaarta Chess-ka ah.
Ciyaartoyda athletic waxey orodka ugu horeeya ordi doonaan 16ka bishaan.
Sunni Said Salah
Add comment
Comments