Xundubey muxuu ka yiri xilka-qaadistii lagu sameeyay?

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sii cakirmaysa, waxaana dalka uu qarka u saaran yahay qaran burbur taasoo uu mas'uul ka yahay Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey.

Warar Keydmedia Online
Xundubey muxuu ka yiri xilka-qaadistii lagu sameeyay?

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir Xundubey ayaa kahor yimid xilka-qaadistii xalay lagu sameeyay, isagoo sheegay in Rooble uu yahay xil-gaarsiiye, balse uusan noqon karin xilka-qaade.

"Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa Xil-Gaarsiiye ee Xil-Kaqaade ma ahan," ayuu ku yiri qoraal uu boggiisa Twitter-ka soo dhigay waxyar kadib markii laga xayuubiyay jagada.

Wuxuu xusay in Rooble iyo isaga isku ogaayeen in dalka qalalaasa dambe laga ilaaliyo, balse nasiib daro ayuu ku tilmaamay in kaligiis go'aansaday in uu Soomaaliya qalalaasa cusub geliyo.

Xasan Xundubey oo carro badan ka muuqatay hadalkiisa ayaa intaasi ku daray: "Hadii aan la is tixgelin, kala dambeyni ma jiri doonto", isagoo sheegay in Rooble cidna la tashaneynin hadda.

"Rooble, mar haddii uusan cid ka sareysa & cid ka hoosaysa midna uusan tixgelinayn ma filayo in uu dalka meel wanaagsan gey doono. Mana jiro qof kaligiis sharci ah," sidaasi uu yiri.

Waxaa Xundubey lagu bedelay C/llaahi Maxamed Nuur, oo kamid ah Gollaha Shacabka, horeyna usoo noqday dowladdii Xasan Sheekh Wasiiru dowlaha Maaliyadda, kaasoo kamid ah shaqsiyaadka sida weyn u mucaarada siyaasadda Farmaajo.

Illa hadda lama sheegin sababta xilka looga qaadey Xundubey, balse waxay wararku sheegayaan inuu la safnaa Farmaajo, oo hadda dagaal siyaasadeed kala dhaxeeya RW Rooble.

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sii cakirmaysa, waxaana dalka uu qarka u saaran yahay qaran burbur taasoo uu mas'uul ka yahay Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.