Xundubey oo beeniyay weerarrada ay dowladdu qaadday

Wasiirka amniga xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Xasan Xundubey oo shir jaraa'id ku qabtay gurigiisa, islamarkaana u yeeray warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa beeniyay in ay dowladdu weerartay hoyga madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh

Warar Keydmedia Online
Xundubey oo beeniyay weerarrada ay dowladdu qaadday

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir amniga xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Xundubey oo caawa muuqaal kasoo duubay gurigiisa ayaa beeniyay weerarkii galabtay lagu qaaday hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xundubey oo ka jawaabayay qoraal kooban ee uu ku soo qoray bartiisa Twitter -ka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay in ciidamada dowladdu weerareen, waxa uuna sheegay in ciidamada madaxtooyada Soomaaliya ay ilaalo gaar ah u yihiin maadaama uu yahay madaxweynahe hore ayuu yiri Xundubey.

Hadalka Wasiirka ayaa u muuqda mid aan xaqiiq ahayn, balse u eg is difaacid oo kaliya, waxaana muuqaallo laga soo duubay goobta uu dagaalku ka dhacay lagu arkayay ciidamada dowladda ee weerarka soo qaaday, iyadoo markii dambe lagala wareegay fariisimihii ay ku lahaayeen agagaarka hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Mirinaayo.

Wasiirka Amniga xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Xundubey ayaa intii uu hadlayay waxaa socday weerar labaad oo ciidamada dowladdu ku qaadeen guriga hoggaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, mana uusan soo hadal qaadin, taasina waxay muujineysaa weerarrada oo ah kuwa qorsheysan.

Taliyaha hada'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa la sheegay in uu leeyahay qorshaha weerarka lagu qaaday hoggaamiye CC Warsame ee caawa iyo sidoo kale kii lagu qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].