Xus Hargeysa loogu sameeyay Askar Ingiriis ah

Magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay Xus loogu baroor-diiqayo Askartii Dowladda Ingiriiska uga geeriyootay dagaalkii 1-aad ee adduunka

Warar Keydmedia Online
Xus Hargeysa loogu sameeyay Askar Ingiriis ah

HARGEYSA, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in maanta halkaadi lagu qabtay Xus baroor-diiq ah, xuska ayaa loo sameeyey askartii Ingiriiska uga dhimatay dagaalkii 1-aad ee Aduunka, Mas’uuliyiin uu Injineer Faysal Cali Waraabe ka mid yahay ayaa ka qeybgalay madasha tacsida oo ka dhacday Kaniisadda magaalda Hargeysa ku taal.

Dagaalkii 1-aad ee adduunka ayaa socday intii u dhaxaysay 28 July 1914 – 11 November 1918. Waxa uuna udhaxeeyay quwadaha adduunka ee ku loolamayay hoggaaminta awoodda ciidamada dunida. Qasaarihii ka dhashay ee baahsanaa markii la arkay ayuu iskiis u joogsaday, waxa uuna saameyn xooggan ku reeebay qaar kamida waddamada reer Galbeedka iyo weliba sidoo kale waddamo ku yaal Aasiya oo ka mid tahay Japan oo laba magaalo oo kamida lagu garaacay gantaalka Nucliar ka ah (Heroshima & Nagasako).

Dowladda Ingiriiska ayaa la tilmaamay in ay uga geeriyoodeen dagaalkii 1-aad ee adduunka tiro ka badan 886,000 oo askari, waxaana la tilmaamay in ka badan 70,000 oo dad rayid ah in ayaa noloshooda ku waayay dagaalkaas. Boqortooyadii Ingiriiska ee xilligaasi waxay gumeysi ahaan u joogeen waddamo badan oo Afrika kamida, waxaana kamida waddanka Soomaaliya oo ay gumeysteen gobollada Waqooyi.

Maamulka gooni isu-taagga ku dhawaaqay ee Somaliland ayaa raadinaya ictiraaf, waxaana maanta magaalada Hargeysa ay baroor-diiq ugu sameeyeen askartii Boqortooyada Ingiriiska ee halkaa ku geeriyootay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.