Xuseen Carab Ciise"Guddi Ayaan U Saarnay Dilkii Taliyaha Guutada 5-aad”

Muqdisho (KON)- Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya oo ka hadashay dilkii shalay loo geystay Taliyahii guutada 5-aad ee xoogga dalka ayaa sheegtay inay guddi u sartay dilkii loo geystay Jen. Maxamed Ibraahim Gordon kaasoo shalay ku geeriyooday weerar ay Shabaab ku qaadeen baabuur uu la socday.
Warar Keydmedia Online
Xuseen Carab Ciise

Xuseen Carab Ciise Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in guddi ka kooban laamaha amaanka ay u saareen qaabkii loo dilay Taliyihii guutada 5-aad ee Ciidanka xoogga dalka Jen.Maxamed Ibraahim Gordon, isagoo sheegay in baaritaan dheer ay ku sameyn doonaan.

"Guddi ka kooban dhamaan hay'adaha amaanka ayaa ma gacaawnay si loo baaro qaabka loo dilay Taliyihii guutada 5-aad, waxaa gudoomiye u ah Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga, baaritaan ayaan ku sameyn doonaa."ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho