Yaa awood u leh dib-u-eegista dhamaystirka Dastuurka?

Maareynta Dhamaystirka dib ueegista Dastuurka iyo ansixintiisa ma aha arrin cusub, dhibaatadan oo kale waxa ay qabsatay Baarlamaankii 9aad ee ka horeeyey Kan 10aad oo ay muddadiisu ku egtay 27-Dec-2020.

Warar Keydmedia Online
Yaa awood u leh dib-u-eegista dhamaystirka Dastuurka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmajo ayaa 24-kii bishan 2020 soosaaray Xeer Madaxwayne oo dib ugu dhigay dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka iyo ansixintiisa, kadib markii Baarlamaankii howsha qaban lahaa waqtiga ka dhamaadey iyadoo wax tallaabo ah qaadin.

Waxa kale oo xeerkaan lagu sheegay in dib loo dhigay dhamaystirka iyo wax ka badalka dastuurka si uu u dhamaystiro Barlamaanka 11aad. Madaxwaynuhu waxuu xeerkaan soosaaray iyadoo aan Barlamaanku arrintaas u codayn, islamarkaana marsiin nidaamka Dib u dhigista Dastuurka.

Dhamayrstirka Dastuurka iyo ansixintiisa waxaa ka hadlaya qodobo Dastuuri ah oo jiddeynaya in lagu dhammeeyo muddada ku qoran isla qoddobadaas, dib u dhigidda muddadaas ama durjinteedu waxay ka dhigantahay Wax ka beddelid lagu sameeyey Qodobada 63aad, 71aad & 132aad.

Haddaba yaa awood u leh wax kabadalka Dastuurka?

Dhammaan waa la isku waafaqsan yahay in awoodda waxkabadalka Dastuurku ay tahay awood wadaag ah oo ay wada leeyihiin labada aqalka ee Barlamaanka, sida ay qeexayaan qoddobada 63aad, 71aad iyo 132aad, intaas waxa dheer awoodda wax ka badalka dastuurku kuma jirto awoodaha Madaxwaynaha ee ku xusan qoddobka 90aad.

Sidee Barlamaankii 9aad ugu fashilmay dastuurka iyo ansixintiisa?

Maareynta Dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo ansixintiisa ma aha arrin cusub, dhibaatadan oo kale waxa ay qabsatay Baarlamaankii 9aad ee ka horeeyey Kan 10aad oo ay muddadiisu ku ekayd 27-kii bishan.

Barlamaankii 9aad si arrintaan loo maareeyo waxa uu qaaday dhowr tallaabo oo asal u ah hannaanka xeerarku ku noqdaan kuwa sharci ah sida:

1. Guddoonka Barlamaanka ayaa soo jeediyay 21-kii July 2015 Tubta ugu haboon ee loo mari karo dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo la qaddarinayo muddada kooban ee Gollaha Shacabka u harsan.

2. Kalfadhigii 6-aad Kulankiisa 23aad oo dhacay 27-kii July 2015, ayaa Barlamaanku ansixiyay Tubta Maaraynta dhamaystirka Dastuurka, oo wax looga badalay muddadii ku xusnayn qoddobada 136-aad, 138-aad ee Dastuurka.

3. Tallaabadda 3-aad waxay ahayd in Codayntii Barlamaanka loo badalay Qaraar kasoo baxay Golaha shacabka ee Summadiisu tahay GSH121/15 ‘ kadibna loo gudbiyay Madaxwaynaha si uu u saxiixo.

4.Tubtaan ayay ahayd in uu raaco Barlamaanka 10aad si dib loogu dhigo dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka.

Xeerka Madaxwaynuhu soo saaray nuxurkiisu waxuu xusayaa in la tirtiray qoddobo kala duwan oo Dastuurka ka mid ah, sida qoddobada 63-aad,  71-aad iyo 132-aad ee Dastuurka oo dhammmaantood Qeexaaya in awoodda dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo ansixintiisa ay yihiin awoodo Baarlamaan, ee aan shaqo ku lahayn Madaxweynaha.

Sidee Guddiyada Dastuurka ee BFS u arkaan go'aanka Madaxweynaha?

Sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen xubno kamid ah Gudiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka ee BFS labada guddi waxay qabaan islamarkaana ku taliyeen in howsha loo maro habkii ama habraacii uu u maareeyey Baarlamaankii 9-aad, islamarkaana uu u saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.