Yaa ka dambeeya xil-ka-qaadista Wasiirka Arrimaha Dibadda?

Wasiirka ayaa xafiiska joogey mudo hal sano ah, waxaana xilka qaadistiisa timid wax yar kadib markii uu bixiyay wareysi.

Warar Keydmedia Online
Yaa ka dambeeya xil-ka-qaadista Wasiirka Arrimaha Dibadda?

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed C/risaaq Maxamuud, Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Maanta xilka laga qaadey, isagoo lagu bedelay nin kaloo Majeerteen ah oo kamid ah garbaha Farmaajo.

Rooble oo fulinaya amarka Farmaajo ayaa xilka ka qaadey Wasiirka, isagoo magacaabey la-taliyihii amniga Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey Cabdi-Saciid Muuse Cali, kaasoo Madaxweyne kasta oo darood ah tan iyo C/llaahi Yuusuf xilka la-taliyaha loo dhiibayay.

Xog hoose oo Keydmedia heshay waxay sheegaysaa in sababta keentay in Farmaajo usoo jeediyo Rooble inuu xilka ka qaado Wasiir Maxamed C/risaaq ay ahayd inuu dibada ka wadey olole doorasho, isagoo damacsan inuu isku soo taago xilka Madaxweynaha dalka.

Dhaqaale aruursi Beesha Caalamka ayuu ku jiray Wasiirka, taasoo ka careysiiyay Farmaajo, maadaama uu khatar ku yahay inuu loolan adag la galo doorashadda, islamarkaana ka weeciyo dhaqaalihii dibadda.

Rooble ayaa u muuqda inuu isku dhiibey Farmaajo mar hadii cida uu xilka ka qaadayo, iyo midka uu magacaabayo wasiiradiisa looga soo yeerinayo xafiiska Madaxweynaha.

Cabdi Saciid waxuu Farmaajo ka dhigay bil kahor agaasimaha Villa Somalia, kadib markii xilkiisa la-taliyaha amniga isaga loo dhiibay, si uu uga baxsado kiiska dilka Ikraan Tahliil.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2021 10:33

Tallabooyinkaan oo dhan waxa ay daaha ka qaadayaan in Mareykanku ka cagajiidayo xasillinta siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, isla-markaana uu baasiin xaaladda ku sii bilbilayay ku dhawaad shanti sano ee la soo dhaafay, si uu difaac ugu noqdo Fahad Yaasiin.