Yaa ku soo baxay afarta kursi ee maanta lagu doortay Kismaayo?

Jubbaland, ayaa ka mid ahayd, caqabadihii muddada ku hor gudbanaaa doorashooyinka dalka, hayeeshee, ugu danbayn waxa uu Axmed Madoobe, wadanka u furay jidkii doorashada.

Warar Keydmedia Online
Yaa ku soo baxay afarta kursi ee maanta lagu doortay Kismaayo?

KISMAAYO, Soomaaliya - Jubbaland ayaa noqotay maamulkii ugu horreyay ee daah-fura doorashooyinka dalka, kadib marun siyaasadeed oo muddo soo socday, waxaana maanta kismaayo lagu doortay afar sanatar oo ka mid noqon doona Golihii labaad ee Aqalka Sare ee dalku yeesho iyo Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Kursiga 1aad- Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Senator-kii ugu horeeyay oo loo doortay Aqalka Sare ee cusub, wuxuu 55 cod kaga adkaaday Maxamed Axmed Sayid oo helay 17 cod.

Kursiga 2aad- Senetar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ku guuleysatay inuu markale dib ugu soo laabto Aqalka Sare, kadib markii Axmed Maxamed Jaamac oo ah musharrixii la tartamay, oo tanaasulay.

Kursiga 3-aad – Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa 59 Cod kaga adkaaday Xaliimo Jaamac Maxamed oo iyaduna heshay 12 Cod, Senetar Faadumo Xasan Aadan ayaaa kursigaan hore ugu fadhisay hayeeshee, khilaaf kala dhaxeeya Axmed Madoobe ayay uga hartay doorashada.

Kursiga 4-aad- Iftiin Xasan Iimaan Baasto, ayaa difaacday kursigII uu ku fadhyay afartii sano ee la soo dhaafay, kadib markii uu tanaasulay Ibraahim Yacquub oo ahaa murashax maqaar-saar ah.

Jubbaland, waxaa ay Golaha Aqalka Sare ku leedahay Siddded kursi, waxaana dhiman in la soo doorto afar kale.

MW Axmed Madoobe, ayaa la rumeysan yahay inuu saaxiibadiis u suura galiyay in ay si fudud u soo baxaan taas oo doorashada maanta ka dhigtay mid ka baratan liidata sidii la filayay.

Jubbaland, ayaa ka mid ahayd, caqabadihii muddada ku hor gudbanaaa doorashooyinka dalka, hayeeshee, ugu danbayn waxa uu Axmed Madoobe, wadanka u furay jidkii doorashada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.