Yaa kusoo baxay doorashadda Maanta ka dhacday Galmudug?

Labada kursi waxaa lagu guuleystay tartan la'aan, waxaana natiijo horey loo saadaaliyay oo qof kasta ogeyd inay labada Musharax soo baxayaan.

Warar Keydmedia Online
Yaa kusoo baxay doorashadda Maanta ka dhacday Galmudug?

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdi Qeybdiid ayaa mar labaad dib loo doortay, isagoo ka geeray doorashadii Maanta ka dhacay Dhuusamareeb guul fudud, oo aan wax tartan ah galin.

Cabdi Cismaan Xareed ayaa isna ku guuleystay kursiga 2aad, ma jirin wax tartan ah, kadib markii uu u tanaasuley Musharixii malxiiska u ahaa, waxaana lasoo gabagabeeyay codbixinta.

Labada Musharax ayaa helay isku cod, oo ah 83 Xildhibaan kuwaasoo fadhiyay Hoolka codbixinta, waxayna ku doorteen cod gacan-taag ah, maadaama aysan jirin wax tartan ah.

Labada Musharax ayaa kuraasta Aqalka Sare loo xiray, iyadoo uu Qoor-Qoor ka reebay shaqsiyaadka miisaanka culus ee la is lahaa way ka adkaan karaan hadii lagu soo daro liiska.

Cabdi Qeybdiid waxaa looga baqayay inuu kursiga Xaaf uga adkaado, waana laga celiyay, waxaana jira warar sheegaya in Madaxweynaha Galmudug door weyn ku lahaa arintan.

Galmudug ayaa noqotay maamulkii ugu dambeeyay ee soo dhameytira kuraastiisa Aqalka Sare, iyadoo tallaabadan ay wadada u xaareyso inay billaabato doorashadda Aqalka Hoose.

Dalka ayaa hadda galaya doorashadda Aqalka Hoose, oo ah marxalad kale oo la aaminsan yahay inay tahay mida ugu dhibka badan, oo kuraasta loolan xoog leh ka taagan yahay.

Rooble ayaa sheegay in December lasoo gabagabeyn doono doorashadda Aqalka Hoose, kadibna 2020 billowgiisa la dooran doono Madaxweyne. Lama hubo in jadwalkan hirgalayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.