Qaraxii Xarunta Booliska kadib, Yaa sugaya Amniga Doorashada Soomaaliya?

Waxaa la isweydiinayaa Qaabka loo sugi doono Amniga Doorashada hadiiba Xaruntii Booliska la weeraray. 

Warar Keydmedia Online
Qaraxii Xarunta Booliska kadib, Yaa sugaya Amniga Doorashada Soomaaliya?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waa Su'aal ay dad badan is weydiinayaan xilligan cidda sugi doonta Ammaanka Doorashada Soomaaliya, maadaama Booliiskii Amniga sugi lahaa uuba sugi la yahay Amniga xaruntii looga talinaayey.

Ammaanka doorashada ayaa ah mid aad u muhiim ah, sababtoo ah waxaa qasab ah in doorashada kahor dalka laga dareemo xasilooni iyo ammaan.

Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Talaaddadii ka dhacay Maqaayadda ku taalla xarunta dusgisa Jeneraal Kaahiye waxay tusaale cad u tahay in aanu jirin Booliis sugi kara Ammaanka oo waqtigan la joogo diyaar ah.

Qaraxa wuxuu ahaa mid xoog badan, oo dhawaqiisa qeybo badan oo kamid ah magaaladda laga maqlay, iyadoo laga cabsi qabo inuu khasaaraha ka bato labo dhimasho ah, maadaama wali booliska bixin macluumaadka la xiriira weerarka.Hadaba, Booliiska oo sugi la' xaruntii looga talinayey ayaa la is weydiinayaa sida ay doorashooyinka dalka ku sugi karaan.

Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa ku fashilantay Ammaanka guud ee dalka, iyadoo Madaxdii Ammaanka ku mashquuleen arrimo siyaasadeed oo aanay shaqo ku lahayn.

Wixii ka dambeeyey markii la doortay Farmaajo, dalka ayaa galay amni xumi middii ugu darneyd, waxaana ka dhacay qaraxyadii ugu waaweynaa ebed ee dalka ka dhaca.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.