Yamamoto oo amar dul dhigay madaxda dowlad goboleedyada

War qoraala oo kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu amray madaxda dowlad goboleedyada in aysan ka bixin magaalada Muqdisho!

Warar Keydmedia Online
Yamamoto oo amar dul dhigay madaxda dowlad goboleedyada

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda awoodda badan ee siisa awaamiirta cid kasta oo Soomaaliyeed madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee Mareykanka ayaa war qoraala oo kooban waxaa lagula hadlay si toosa madaxda dowlad goboleedyada oo lagu amray in aysan ka bixin magaalada Muqdisho ilaa xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Safaaradda ayaa barteeda Twitter -ka mid-mid ugu xustay qoraal ay ku leedahay waa in aan laga bixin magaalada Muqdisho ilaa xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka, dhowr jeer oo hore ayaa shirar lagu kala tagay iyadoo aan wax natiijo ah la gaarin, hayeeshee dowladda Mareykanka waxay ku amreysaa madaxda dowlad goboleedyada oo xilligan ku sugan magaalada Muqdisho in aysan marnaba ka bixin caasimadda Soomaaliya iyadoo la filayo inuu berri shir uga furmo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada teendhada Afisiyooni.

"Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan hadda doorasho. Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoorqoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen waa in ay ku sugnaadaan Muqdisho ilaa heshiis doorasho laga gaaro, Guul-darradu maahan ikhtiyaar!" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda dowladda Mareykanka ee Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.