Yamamoto oo la kulmay Rooble iyo 2 madaxweyne DG

Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa kulan la qaatay RW Rooble iyo madaxeynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle

Warar Keydmedia Online
Yamamoto oo la kulmay Rooble iyo 2 madaxweyne DG

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa kulan muhiim ah la qaatay Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug Cali Guudlaawe Xuseen iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Kulankaan ayaa looga hadlayay dardargalinta hanaanka doorashooyinka dalka, Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo saameeynta uu geystay fatahaadii uu sameeyay wabiga shabeelle, kaasoo gobollada uu maro ee dalka ka geystay khasaaro.

Madaxda kulankan ka qeyb gashay ayaa si aada dhankooda waxay u xaqiijiyeen in ay ku dadaali doonaan in ay ka dhacdo degaanadooda doorasho daah furan oo si xor ah ku dhacda, Safiirka dowladda Mareykanka ayaa kula dardaarmay mas'uuliyiinta kulanka fadhisay in ay dhankooda xoojiyaan arrimaha amniga doorashooyinka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.