Yay dan ugu jirtaa dagaalka Guriceel?

Fahad iyo Farmaajo, waxa ay Muqdisho diyaarado uga soo daabuleen ciidamo ka tirsan, Xoogga Dalka iyo Booliska Haramcad, kuwaas oo ay hore u diideen in ay Ciidanka Galmudug iyo dadka degaanka garab ku siiyaan dagaalladii Koofurta Mudug.

Warar Keydmedia Online
Yay dan ugu jirtaa dagaalka Guriceel?

Guriceel, Soomaaliya – Dhaq-dhaqaaqyo ciidan kuwii ugu xooggana  ayaa maanta laga dareemayaa magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay dul-dageen degmada, oo koox diimeedka Ahlu-sunna, ay gacan ku heyntiisa la wareegtay 1/10/2021.

Guud ahaan magaalada ayaa haawaneysa maanta, shacabka oo dan-yar u badan ayaana lagu qasbay in xilliga oo aad u kulul, abaar-daranna gobolka ka jirto ay u qaxaan tuulooyinka miyiga ah.

Hadaba Yay dan ugu jirtaa dagaalka Guriceel?

Kooxda Suufida ee hadda gacanta ku haya magaalada, waxa ay ka tuf-qaatan Garowe iyo hoggaanka Maamulka Puntland, oo dantoodu ay ku jirto burburka iyo dib u dhaca dowlad goboleedka Galmudug, si ay u ilaashadaan dhaqaalaha ka soo gala dekedda Boosaabo, oo albaabaa isku dhusfsan karta haddii si buuxda dhidibada loogu taago Hobyo.

Hogganka Puntland, waxa ay maal iyo mood-ba la garab taagan yihiin Ururka ASW, kaas oo wakiil uga ah, barakicinta hooyooyinka iyo caruurta aan waxba galabsan ee reer Galmudug, isla-markaana, ay uga shaqeeyaan dib u dhac maamul iyo lug-gooyo umaded.

Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud, oo ah labada shaqsi ee magaca ASWJ, ku meel-mariya danaha Puntland, ayaa ku dhawaad 12 sano, shacabka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan, ka aruursanayay lacag ay canshuur ugu yeereen, hayeeshee aan waxba lagu qaban.

Ciidamada ka dhaawacma SUFA, waxaa lagu dabiibaa waqooyiga Gaalkacyo, (Dhanka Puntland), Xeraale iyo Caabad-waaq, taas oo tusaale u ah, in aysan wax shaqo ah u heyn degaanka, xitaa 12-ka sano oo ay arriminayeen, hal Aambalaas iyo hal dab-damis ma gadin, hal MCH-na ma furin.

Dhanka kale, danta ugu weyn dagal ka dhaca Quriceel, waxa ay ugu jirtaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, oo doonaya in ay dagaalladaas uga faa’iideystaan dib u dhaca doorashooyinka, si ay u sii siyaadiyaan joojitaanka xaafiiska.

Fahad iyo Farmaajo, waxa ay Muqdisho diyaarado uga soo daabuleen ciidamo ka tirsan, Xoogga Dalka iyo Booliska Haramcad, kuwaas oo ay hore u diideen in ay Ciidanka Galmudug iyo dadka degaanka garab ku siiyaan dagaalladii Koofurta Mudug.

Farmaajo, wuxuu dagaalka Guriceel u diray Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage, oo ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ciidamada Gorgor u dumiyaan magaalada, kuwaas oo hore loogu eedeeyay dagaallo billowgii sanadkii hore ka dhacay Xero-enji oo ku taalla Dhuusamareeb.

MW Qoorqoor, oo ay garbihiisa taagan yihiin siyaasiyiin ka soo jeedda degaanka, waxa ay doonayaan in ay kursigooda ku ilaashadaan dhiig daata, taas oo noqon doonta taariikh madow ma harto ah, waxaana lagu xasuusan doona in ay xaalado wada-hadal u baahan xalkeeda dagaal ka dhex arkaan.

Xal-ka Guriceel, wuxuu ku jiraa in miiska wada-hadalka la tago si mushkiladda loo maareeyo, isla-markaana Shaakir iyo Maxamuud, ay ka tashtaan dadka degaanka, si looga hor tago damacooda waalan iyo dibin-daabyada ay Puntland maleegto oo ay maalin kasta meel-mariyaan.

Guuleed Faarax - KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.