Yemen: Rabshad ay dad Soomaali ah ku dhinteen

Sana‘a (Keydmedia) - Labo qof oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen mid kalena uu ku dhaawacmay rabshado ka dhacay xaafad lagu magacaabo Xasaba oo ka tirsan magaalada Cadan ee dalka Yemen.
Warar Keydmedia Online
Yemen: Rabshad ay dad Soomaali ah ku dhinteen

Rabshada ayaa ka dhalatay sida la sheegay kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda Yemen iyo rag hubeysan oo ilaalo u ahaa nin sheekh ah oo lagu magacaabo Cabdalla Al Axmar, kaasoo ka mid ah dadka ku nool Xasaba.

Nin goobjooge ah oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim ayaa Bar-kulan u sheegay in dadka Soomaalida ah ee rabshada ku waxyeelloobay aan si gaar ah loo bartilmaameesan, balse ay haleeshay rasaas habow ah.

Waa markii ugu horreysay oo dad Soomaali ah ay ku geeriyoodaan rabshadaha ka socda dalka Yemen.