Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Yuusuf Sheekh Cabdi oo ah gudoomiya degmada Raage Ceele ee maamulka dowlada ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xiligaan dhibaatooyin badan ay ku haayaan dadka rayidka ah.
Wuxuu sheegay dadka ku nool deegaanada gobalkaasi oo ay wali joogaan Al-Shabaab in ay ka qaateen xoolo badan iyo hanti oo ay ku sheegeen in lagula dagaalamayo Cadowga.
Gudoomiya ayaa sidoo kale sheegay in jiraan dhibaatooyin badan oo kale ay kaa hatan ka jiraan deegaanadaasi wuxuuna sheegay in mar uun ay ciidamada dowlada Soomaaliya ay qabsan doonaan deegaanadaasi.
Al-Shabaab ayaa lagala wareegay dhowaan magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ka dib markii ay halkaasi weerareen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM.
Keydmedia Online xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments