Boobka lagu hayo Kalluunka Soomaaliya iyo kaalinta Xasilooni darrada dalka

Kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya, ayaa dhibaato ballaaran, oo mid dhaqaale iyo mid amni ku haya dalka, waxayna curyaamineysaa nolosha shacabka noloshooda ku tiirsan badda.

Warbixin Keydmedia Online
Boobka lagu hayo Kalluunka Soomaaliya iyo kaalinta Xasilooni darrada dalka

Sodonkii sano ee lasoo dhaafay, shirkado shisheeye ayaa guranayay kalluunka Soomaaliya, iyagoo aan haysan ruqsad sharci ah, sababtoo ah dalka ayaan lahayn dowlad awood badan oo ilaalisa xeebta dalka, oo ah mida ugu dheer Africa, oo gaareysa 3,333 kiiloomitir.

Dowlad la’aanta Soomaaliya, ayaa horseeday in maraakiib iyo doomo kalluumeysi oo inta badan laga leeyahay Asia ay si sharci darro ah uga jallaabtaan xeebaha dalka malaayiin tan oo kalluun ah sanad walba.

Bulshooyinka xeebaha Soomaaliya ku dhaqan waxay sheegeen in xaalufka kalluunka uu yahay mid si xowli ah ku socda, islamarkaanka mararka qaar ay maraakiibta sun ku shubaan badda taasoo keenta in noolaha badda uu dhinto, kadibna badda kusoo tufto/caariso xeebta.

Kadib markii kalluumeysatadii Soomaalida ay dhibaatooyin kala kulmeen maraakiibta shisheeye, ee u diiday inay tagaan goobaha fog, ee kalluunka laga helo, waxay qaateen go’aan ah inay burcadbadeed noqdaan, oo afduubka maraakiibta shaqo ka dhigtaan.

Tani ayaa mararka qaar sababta isku dhacyo kalluumeysatada shisheeye iyo kuwa gudaha ah u dhaxeeya, iyadoo degaanno dhowr ah dadkii deganaa ay intood badan hubka qaateen si ay isaga celiyaan kuwa kalluunkooda boobka ku haya.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay qeyb ka tahay dhibaatada kalluumeysiga sharci darrada, kadib markii in ka ka badan 31 shirkadood, oo laga leeyahay China u saxiixday heshiisyo suuq-madow ah, oo ku kalluumeysanayaan, iyadoo aan dusha laga socon xidiga iyo nooca kalluun ee ay la baxayaan.

Wasaaradda Kalluumeysiga ee Xukuumadda Soomaaliya wali uma dejin qorshayaal lagu maareyn karo howlaha kalluumeysi ee xeebaha dalka. Tani waxay yareynaysaa dhaqaalaha gudaha iyo nolosha dadka.

Xitaa ka hor inta aysan dowladdu dhicin 1991, Soomaaliya waxaa ka jiray sharciyo kalluumeysiga oo daciif ah. Maraakiibta shisheeye waxay si joogto ah ugu soo xad-gudbi jireen dhul badeedka Soomaaliya oo gaaraya 200-kilomitir.

Maraakiibta ayaa wali kusoo qulqulaya xeebta si ay u kalluumeystaan, iyagoo ka faa’idaysanaya nidaam la’aanta ka jirta dalka iyo inaysan xeebaha ku sugnayn Ciidan badeed, oo cadowga dibadda ka ilaaliya.

In ka badan 10 dal ayaa maraakiibtooda ku sugan biyaha Soomaaliya, iyagoo guranaya cadad aad u badan oo kalluunka TUNA, oo ku kacaya $300 million sanad kasta, sida ay sheegeen khubarada badda.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa la sheegay in hanaan musuq-maasuq iyo laaluush ku salaysan ay ku bixiso ruqsadaha kalluumeysiga, waxayna lacagta ku dhucdaa jeebka shaqsiyaad gaar ah.

Shaki kuma jiro in tani ay kordhin karto burcad-badeednimada, maadaama dhalinyarada Soomaaliyeed ee bilaa shaqada ah, gaar ahaan kalluumaysatada ka cabanayaan dhibaatada maraakiibta ajnabiga.

Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ayaa macaasha badan ka hela saxiixa heshiisyada qaaliga ah, sida shidaalka, kalluumeysiga iyo dhulka ay siiyaan safaaradaha ajnabiga ah gudaha Muqdisho.

Dhaqaalaha Soomaaliya oo ku tiirsan Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumeysiga ayaan lasoo saarin tan iyo 1991, waxaana wadanka uu ku tiirsanaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay, illaa hadda deeqaha caalamka.

Dal dahan iyo dad baahan!

KEYDMEDIA ONLINE