Warbixin:

Kufsiga soo badanaya iyo Cadaalad-darradda jirta

Xadgudubyada jinsiga ku salaysan iyo kufsiga ayaa kusoo badanayay Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay, iyadoo tacadiga loo geysto dumarka ay kamid noqdeen dhacdooyinka maalin-laha ah ee dalka ka dhaca.

Warbixin Keydmedia Online
Kufsiga soo badanaya iyo Cadaalad-darradda jirta

Dhacdooyinka cabsi leh ayaa soo ifbaxay mudooyinkii dambe, iyadoo la farxumeeyay carruur yaryar oo wiilal iyo gabdho isagu jira, taasoo muujinaysa heerka uu gaarey kufsiga, oo waxba laga qaban waayay.

Keydmedia Online oo u kuur-gashay kufsiga Soomaaliya ayaa ogaatay in kiisaska ugu badan 76% ay ka dhacayaan kaamamka ay ku nool yihiin barakacayaasha [IDPs], halka 14% ay ka dhacaan meelaha kale.

Haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee lagula kaco xad-gudubka jinsiga ayaa diida inay banaanka usoo baxaan oo bulshada la wadaagaan dhibaatada loo geystay ee kufsiga, iyagoo ka baqaya ceeb iyo sharaf dhac qoyskooda ku timaada.

Waxay noqdeen dhibanayaal codkooda aamusiyay. Xogta KON ay aruurisay ayaa muujinaysa in 10kii dumar ah 2 keliya ay sameeyaan geesinimo inay si cad u sheegaan kufsiga, laakiin ma helaan cadaalad.

Xeer jajab iyo qaab oday dhaqameed ayaa lagu xaliyaa kufsiga, iyadoo bulshadda lagu soo dhex-daayo dhurwaaqa muuqaalka bini’aadanka leh, halkii la ciqaabi lahaa, ee la rabey in xukun adag lagu rido.

Gabar kasta oo la kufsada hadii ay kiiskeeda sheegi lahayd, way iska aamustaa, kadib markii ay aragto in gabadhii ka horeysay oo inta hadashay, kadibna cadaalad waysay, taasoo usii dheer inay bulshada ceeb ka dhigto.

Kufsiga ayaa si xawli leh u socday xilligii dagaal sokeeye laga soo billaabo 1991, waxaana loo adeegsaday hub dagaal iyo aargudashada qabaa’ilka colaadda u dhaxaysay, oo ku kacay nooc kasta oo xad-gudub ah.

Cadaalad la’aanta

Burburkii kadib, waxaa dalka ka dhismay Maamullo iyo dowladdo, oo inkastoo awood badan lahayn haddana fulin jiray xukuno, iyagoo ku dhaqmayay xeerar iyo dastuuro ay degsadeen, oo isbedelayay.

Markii uu dhaco kiis kufsi ah, oo banaanka soo baxay, Saraakiisha Maamulka ka jira halka Gabadha loogu xad-gudbay waxay u wareejiyeen oday dhaqameedka, oo aan cadaalad fiican siinaynin dhibanayaasha

Tani waxay leedahay saameyn xun oo ka dhalata natiijada cadaalada darrada dhibbanayaasha, waxayna dheera-gelisaa inuu bato kufsiga iyo fara-xumeynta carruurta yar-yar ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Ma jiro wacyigelin bulshada iyo tababaro ku saabsan ka hortaga kufsiga iyo noocyada kale ee dembiyada galmada. Sidoo kale, haweenka ma lahan wacyi iyo aqoon fiican oo ku saabsan sida sida loo soo sheego kufsiga loona wargeliyo saldhigyada booliska, haddii ay dhacdo kufsi ama dambiyada kale ee galmada.

Dowladda Soomaaliya ayaan qaadin wax tallaabo ah oo lagu joojinayo kufsiga faraha kasii baxaya, iyadoo Baarlamaanka uu diidan yahay inuu meel-mariyo xeerka jinsiga, oo dood badan ka dhalatay.

Bishan gudaheeda, labo dhaco oo fool xun ayaa Muqdisho kaliya laga soo wariyay. Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir ahayd ayaa la kufsaday, kadibna dabaq laga soo tuuray, sidoo kalena wiil 10 jir ah ayay askar Militeriga dowladda katirsan ku farxumeeyeen xero barakacayaal degan yihiin.

Horaantii sanadkan, degmada Afgooye labo gabadhood oo walaal ah oo 3 iyo 4 jir ah ayaa la kufsaday, waxaa sanadkii tagey Gaalkacyo kufsi iyo dil loogu geystay Caa’isha Ilyaas Aadan, oo 11 jir ahayd.

Dhamaan dhibaniyaasha, oo qaar u dhintay falkii lagula kacay ayaan wali helin cadaalad, iyadoo kiisaskooduna la iska xiray xili bulshada Soomaaliyeed ay ku baaqayaan in dhibaatooyinkan xal loo helo.

KEYDMEDIA ONLINE