Taariikhda & Waajibaadka Baarlamaanka Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Sida ku cad jadwalka guud ee doorashooyinka oo ay July 16, 2021, soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF), Axaddi shalay oo ku beegan, July 25, 2021, ilaa 28-ka bishaan, ayaa loo asteeyay in la guda-galo lana soo gabagabeeyo doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taas oo sida muuqata horraanba ka marin-habaawday muddadii loo madlay.

Taariikhda & Waajibaadka Baarlamaanka Soomaaliya

Sidoo kale, isla jadwalkaas, waxaa ku xusan in 12-ka September la billaabo doorashada Aqalka Hoose, (Golaha Shacabka) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, lana soo af-meero 2-da October 2021, taas oo ka dhiganin in wixii xilligaas ka danbeeya, kaliya la sugi doono qabashada doorashada xilka Madaxweynaha JFS.

Hadaba, KEYDMEDIA ONLINE, waxa ay warbixintaan, kusoo koobeysaa, xogaha lagama maarmaanka ah ee muhiimka u ah aqrista-yaasheenna, kuna gadaaman BFS, sida; taariikha, waajibaadka, iyo wax qabadka guud ee Golayaasha Sharci Dajinta.

Xornimadii kahor

Ereyga ‘Parliament’ waa eray ka yimid Faransiiska, waxaana lagu macneeyaa “Hadal ama dood”, hayeeshee, xilligaan  wuxuu u taagan yahay ‘Sharci-Dejiye’. Waa hay’adda ugu weyn, saddexda hay’adood ee dalka, (Sharci dajinta, Xukuumadda iyo Garsoorka).

Inta aan loo dabbaal-degin, ka kifaaxa saan-caddaalihii gumeysiga, waxaa jiray Baarlamaanno soo maray labada gobol ee midowga dowladnimo sameysatay bartamihii Lixdamaadkii, waxayna inta badan golayaashaas hoos taagayeen Maxmiyaddii Ingiriiska iyo Wasaayadii Talyaaniga.

Dowladda Ingiriiska oo gumeysaneysay gobollada waqooyi ee Soomaaliya, (Soomaaliland), ayaa dhistay sanadkii 1946-kii, gole lagu magacaabo Golaha La-tashiga (Advisory Council) ka hor inta aan dhidibada loo taagin Golihii u horreeyay ee Sharcidejinta Maxmiyaddii British Somaliland, sanadkii 1957-kii.

Sidaas oo kale, fajiistihii Talyaaniga, ee gumeysanayay Koofurta Soomaaliya, ayaa 1951-kii yabyabay golihii u horreeyey oo qaab Barlamaan u dhisan, kaas oo la oran jiray Consiglieri Territoriali”, waxaana soo xulidda iyo doorashooyinka xubnaha golaha, gacanta ku heyn jiray Xaakimkii Idaariga.

Sida ku dhigan diiwaanka, Shirarka Golaha “Consiglio Territoriale” waxaa guddoomin jiray Madaxa Maamulka AFIS, waxaana guddoomiye ku-xigeenno siman ahaa, AUN Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) iyo Cabdinuur Maxamad Xuseen, kuwaas oo ka kala socday Xisbiyadii SYL iyo Hizbiya Dighil iyo Mirifle (HDM).

1951-kii ilaa 1955-kii dhowr mar ayay is badashay tirade golaha, waxaana muddadaas la hirgaliyay shan gole, Consigli territoriali, waxay shaqadoodu ahayd in ay ka tala bixyaan  shuruucda iyo xeerarka cusub ee dalka loo dejin jiray, kuwaas oo ay gacanta ku hayeen maamulkii AFIS.

Golaha sharci-dejinta, (Assemblea Legislativa), ayaa la sameeyay 1956-kii, kadib doorashadii siyaasadeed ee ugu horreysey ee dalka ka dhacday, taas oo lagu soo doortay 70 Deputati, oo ka tirsan Golaha Sharci-dajinta, waxaana halkaas looga diga-rogtay magcii Consiglio Territoriale, oo lagu badelay Madashii koowaad ee sharcidejinta Soomaaliyeed (Prima Legislatura della Soomalia).

Barlamaankas, waxa ay guddoomiye iyo ku-xigeyn u doorteen, Aadan Cabdulle Cismaan SYL, iyo Cabdinuur Maxamed Xuseen oo ka tirsanaa Hizbiya Digil Mirifle (HDM), waxayna muddo kooban ku shaqeeyeen xaruntii Consiglio Territoriale, ka hor inta kuraasta loo dhigin gurigii guduudnaa oo loo yaqaannay Daarta Barlamaanka.

Maarso 1959-kii waxaa qabsoontay doorashidii labaad waxaana xubnaha cusub laga dhiagay 90 Deputati, Baarlamaankaas, waxaa mar kale guddoomiye u noqday AUN, Aadan Cabdulle Cismaan, oo jagadaas hayey ilaa 30kii Juun 1960, halka uu Guddomiye ku-Xigeenna ka noqday Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Zoope).

Xornimadii Kadib

Kadib markii laga xoroobay isticmaarkii dalka ku habsaday bartamihii 1960-kii, waxaa la dhisay Gole Baarlamaan oo ay ku mideysan yihiin Koofur iyo Waqooyi, waxaana koowdii Luuliyo oo ku beegan habeenkii midnimada kuna aaddan kifaaxii Koofurta, la isku daray baarlamaannadii labada gobol, 90 xubnood oo ka socday golihii sharcidejinta ee koofurta Soomaaliya iyo 33 xubnood oo ka soo jeeday Gobolada Waqooyiga, ayaa tirade guud ee ka dhigtay 123.

Baarlamaankaas, waxa ay guddoomiye u doorteen Jamac Cabdullahi Qaalib, oo horey u ahaa Guddoomiyihii Barlamaankii Ex British Somaliland, wuxuuna jagadaas hayey ilaa Maarso 1964, waxaana sanadkaas xilka kala wareegay Axmed Sheekh Maxamed (Cabsiiye), kadib doorasho siyaasadeed oo ahayd tii ugu horreysay oo ka dhacda Soomaaliya oo mid ah (Waqooyi iyo Koonfur).

Billowgii 1966-kii, waxaa xilka Guddoomiyaha Barlamaanka la wareegay, Mukhtar Maxamed Xuseen, kaas oo jagada hayay ilaa 21 Oktoobar 1969, oo ku beegan markii Ciidammadu ay la wareegeen talada dalka, kadib dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Shermarke.

Golihii Sare ee Kacaanka, isaga ayaa sharcigiisa jeebka ku sitay, inkastoo afti laga qaaday Dadweynaha Soomaaliyeed dhamaadkii 1979-kii ay muujisay in dalku uu Dastuur u baahan yahay, taasina ay ugu danbeyn sababtay in la yabyabo gole sharci-dejin oo xulasho ku yimid 6dii Jennaayo 1980kii iyo Diseembar 1986-kii. Muddadaas 10-ka sano ah, (1980-84 iyo 1985-90), waxaa xilka guddoonka golaha soo qabtay, Ismaaciil Cali Abokor, Maxamed Ibraahim Axmad (Liiqliiqato) iyo Xuseen Kulmiye Afrax.

Kadib burburkii Kacaanka;

Kadib markii Caaasimadda laga raacdeeyay Rajiimkii uu hoggaaminayay Maxmed Siyaad Barre, billawgii sanadkii 1991-kii, wuxuu dalku galay, firaaq Baarlamaan, 1991 ilaa 1999 hayeeshee, laga billaabo 2000 ilaa maanta xilka sharcidejinta waxaa isaga dambeeyey dhowr gole oo kala gadisan.

2000-2003; Todan sano kadib, burburkii Dowladdii dhexe, waxaa sanadkii 2000, dalka Jabuuti, lagu soo dhisay, gole sharcidejin oo KMG ah, kaas xubnihiisu gaarayeen 245, isla-markaana uu guddoomiye u ahaa Cabdalla Deeroow Isaaq, waxayna shaqeynayeen muddo saddex sano ah oo ku eg 2003.

2004-2012; Sanadkii 2004, waxaa dalka Kenya, lagu soo dhisay, Baarlamaan mudadiisu ahayd shan sano, (2004-2009), kaas oo tirade xubnihiisu ahaayeen 275, hayeeshee, tiradaas ayaa la laban laabay oo laga dhigay 550 xildhibaan, kadib shirkii dib-u-heshiisiinta Jabuuti, waxaa mudadii loogu daray labo sano, ka hor inta aan mar kale sanad dheeraad ah laguu sii kordhin.

Muddo Siddeed sano ah oo Golahaas shaqeynayay, waxaa hoggaanka u soo qabtay Shariif Xassan Sheekh Aadan : 14 Sep. 2004 ilaa 2007, Sheekh Aadan Maxamad Nuur Madoobe, 21 Jennaayo 2007 ilaa Maajo 2010 iyo mar labaad Shariif Xassan Sheekh Aadan Junyo 2010 ilaa Agoosto 2012.

2012- 2016;  135 oday dhaqmeed ayaa doortay, 275 xildhibaan, qaab aan santuuqa qarsoon ahayn, 20ka Agoosto 2012, waxaana guddoomiye u ahaa, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari)

2016-2020; Sanadkii 2016 Baarlamaanka JFS, waxaa laga dhigay labada Gole, (Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare), sida uu waajibinayo Dastuuurka ku meel gaara ah, Golaha Shacabka waxaa uu ka kooban yahay 275, halka Golaha Aqalka Sarena uu ka kooban yahay 54 Xildhibaan, Aqalka sare, waxaa hoggaamiya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, halka Golaha Shacabka, uu hor-kaco, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

14,025, xubnood oo ka tirsan 275 ergo doorasho ayaa soo doortay xubnaha Aqalka hoose, halka xubnaha Aqalka sare ay soo doorteen, Baarlamaannada Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

2021-2025; Sanadkaan 27,775 xubnood oo ka tirsan 275 ergo doorasho ayaa dooran doonta xildhibaannada ka mid noqonaya Golaha Shacabka, halka xubnaha Aqalka sare lagu soo saari doono hannaankii 2016.

Waajibaadka Baarlamaanka

Siyaasadda casriga ah iyo taariikhdii horaba, baarlamaanku waa gole sharci dejin oo ka tirsan dawladda. Guud ahaan, baarlamaannada xilligaan casiriga ah waxaa howlihiisa ugu mihiimsan Saddex howlood: matalaadda dadka, sameynta sharciyada, iyo kormeeridda dowladda. Hayeeshee, Senator Xuseen Sheekh Maxamud, oo ka tirsan Aqalka Sare, wuxuu howlaha Baarlamaanka Soomaaliya ku soo koobay shan qodob oo kala ah;

  1. Kormeerka iyo toosinta shaqada Xukuumadda (ayagoo Guddiyo isu qaybinaya),
  2. Ansixinta Barnaamijka Xukuumadda oo ay ku jirto Miisaaniyadda,
  3. Saameynta iyo wax ka beddelka Shuruucda oo uu ku jiro Dastuurka,
  4. Matalaadda Shacabka iyo deegaan doorashada iyo
  5. Ka doodidda arrimaha muhiimka ah ee maalin laha ah ee dalka ka jira.

Qaybta labaad ee warbintaan, waxaan ku lafa guri doonnaa Baarlamaankii 10aad, ee muddadii xilheynta ka dhamaatay 27-kii December 2020, waxaana ku suu gudbin doonnaa, dhamaan sheekeeyo ku gadaaman Baarlamaankii fadhiidka ahaa  ee afarta sano ku dhamaystay sacabka Xukuumadda.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 19 September 2021 11:39

Todobaadka waxaa cirka isku shareeray dagaa siyaasadeedka Farmaajo iyo RW Rooble, iyadoo labada dhinac xiriirkooda uu gaarey heer aan soo noqon laheyn, kala soco Macluumaad badan dhaafay Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.