Xil wareejintii Rooble oo ifisay qaladaad sharci oo jira

Farmaajo ayaan adeegsan sharciyada dalka, isaga oo ku tuntay dastuurka KMG ee dalka u yaalla. Munaasabadda Xil-wareejinta oo dhacday iyadoo Xasan Cali Khayre uu joogo Muqdisho, ayaa lagu tilmaamay mid sharci darro ah, oo baal-marsan dastuurka dalka.

Warbixin Keydmedia Online
Xil wareejintii Rooble oo ifisay qaladaad sharci oo jira

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Axaddii shalay wuxuu si rasmi ah ula wareegay xafiiskii uu ku shaqeyn lahaa.

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu xilkan kula wareegay, waxaana ku wareejiye ku Sime Ra'iisul Wasaare oo aan la aqoon meesha uu dastuurka kaga yaallo, sida Keydmedia Online ay shalay soo qortay

25 Jul 2020, xildhibaannad Golaha Shacabka ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxay ku sheegeen in xilkii kaga qaadeen Xasan Cali Kheyre oo Ra'iisul wasaare ahaa, walow qaadistaasi aan loo marin sifo sharciga waafaqsan, meelna looga dhacay dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla.

Sharci daradan xilka lagu qaaday oo mas'uuliyaddeedu uu lahaa Farmaajo, ayaa hadana waxa uu deg-deg ku Sime Ra'iisul Wasaare ugu magacaabay isla maalintaasi Mahdi Guuleed, iyadoo dastuurkana aanay meel uga yaallin ku sime RW.

23-kii bishan, golahii shacabka ee si baalmarsan dastuurka xilka uga qaadey Kheyre ayaa waxay codka kalsoonida ah siiyeen RW cusub, Maxamed Xuseen Rooble. Xasan Cali Kheyre ayaa isla maalintaasi wuxuu warqad u diray RW Rooble, isaga oo u sheegay inuu diyaar u yahay xil wareejin ku dhacda waddo sharci ah.

"Si waafaqsan dastuurka JFS, shuruucda dalka iyo dhaqanka dowladnimo, waxaan kugu wargelinayaa in aan diyaar u ahay in aan kugu wareejiyo xilka xafiiska ra'iisul wasaaraha XFS, kulana wadaago nuqullada xil wareejinta iyo warbixin guud oo ku saabsan halka ay marayaan dhaqan-gelinta howlaha waaweyn ee qeybta ka ah dib u dhiska dalka iyo caqabadaha dalka hortaagan, si looga fogaado dib u dhac ku yimaada dedallada loogu jiro horumarinta dalka, sidaasi darteed, ra'iisul wasaare waxaan diyaar u ahay in aan xilwareejin kuu sameeyo usbuucaan gudahiisa" ayuu Kheyre ku yiri qoraalkiisa.

Farmaajo oo sharciga dalka ka dhigay in isaga uu si gaar ah u leeyahay, ayaa diiday in Kheyre xilka uu wareejiyo, taasi bedelkeeda wuxuu Mahdi ku amray in isaga xilka ku wareejiyo Rooble.

Hadaba arrintan waxaa si weyn uga hadlay siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed, kuwaasi oo sheegay in wixii dhacay aanu sharci ahayn. C/raxmaan C/shakuur Warsame, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa tilmaamay in tani ay qeyb ka tahay sifooyinka Farmaajo ee uu ku jabinayo dastuurka.

"Waxaad ogtihiin in ra'iisul wasaarihii hore ee xilka laga tuuray uu codsaday inuu xilka wareejiyo, dastuurkeena KMG ah wuxuu leeyahy madaxweynaha waa inuu magacabo ra'iisul wasaaraha, meelna ugama taalo in sii haye ra'iisul wasaare magacaabo, sii haynta xilka ra'iisul wasaaraha waxay ahayd mid sharci darra ah oo dastuurkii agu jabiyey, xil ka qaadistii ra'iisul wasaaraha waxay ahayd mi sharci darra ah" ayuu yiri CC Shakuur.

Professor Yaxye Caamir oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa la yaab ku sheegay sidii ay u dhacday xil wareejinta RW cusub.

"RW Baarlamaan Ansixiyay ee loo dhaariyay Xilkaa RW  oo kaliya ayaa ku wareeji karo RW kale. ku sime Xil la wareegayo ama wareejinayo  waa wax ku cusub  sharciga,   inta uu noolyahay RW hore,  Caafimaad ahaanna uu Howsha Xil wareejinta ka qeyb qaadan karo, isagaana  wareejinayo,  Horena sidaa ayaa la isagu wareeji jiray, waxaa la yaab ah, in RWhii hore oo nool, oo weliba Magaalada joogo, uu xilkiisii wareejiyo nin aan RW ahaan  Baarlamaan uunan u  ansixin oo aan xilkaa loo dhaarin markiisii hore"

Yaxye oo hadalka sii wata ayaa yiri " waxaa ka sii yaab badan in RW hore uu leeyahay waxaan diyaar u ahay in aan wareejiyo xilka lagana diiday, taa oo macnaheeda loo qaadan karo, horeyba RW uma ahayn, ma noolid ama caafimaad ahaan ma gudan kartid Xil-wareejinta,  waa howl in ka yar nus saac si sharaf leh oo sharci ah lagula kala  wareegi karo, ma ogi Sababta looga leexday"

Hadaba Farmaajo ayaa laga filan karaa inuu jebiyo sharciyo kale oo waaweyn, hadiiba uu garab maray dastuurka u dagan dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeysay mas'uuliyad-darro iyo kaligii-talisnimo.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 19 October 2020 22:14

Todobaadkii tagey waxay Soomaaliya ku xasuusatay qaraxii Zoobe, oo ay ku dhinteen ku dhawaad 600 muwaadin, oo iyagoo aan waxba galabsan lagu xasuuqay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray.