Yaa Dayacay Dastuurka?

Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi 'Farmaajo' uu hoggaamiyo ayaa si weyn ugu fashilantay in ay qabyada ka saarto dastuurka ku meel gaarka ee dalka u yaala, iyada oo lumisay fursado badan oo aad u muhiim ah.

Warbixin Keydmedia Online
Yaa Dayacay Dastuurka?

Dhaqooyinka dowladdan u xilsaarneyd waxaa ka mid ah in dalka ay ka qabato doorasho qof iyo cod ah, sidoo kalena ay dastuurka qabyada ka bixiso. Hase ahaatee is madadaalin iyo yareysi awgeed ayuu dalka halis u galay dastuur la'aan, taas oo ka dhigan in aanu jirin wax dalka lagu maamulo.

Dastuurka KMG ah ayaa 27da bishii December ku ekaa, Dastuurkan ayaa waxay ahayd in baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ay dhameystiraan ka hor inta aan afti dadweyne loo qaadin.

Sida ay Keydmedia Online hore usoo qortay, dalka waxa haatan lagu xukumaa Dastuur KMG ah, oo la ansixiyay 1-dii August, 2012-kii. Ansixinta Dastuurka oo tan iyo xilligaas ay howsheeda soo jiitameysay ayey isu gudbiyeen baarlamaannadii dalka, walina lama soo saarin dastuur dhammeystiran. 

13-kii December, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baraarujiyey dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Farmaajo in dalka uu dastuur la'aan noqonayo, sidaasi darteedna ay muhiim tahay in degdeg wax looga qabto.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in muddada dhaqangalka dastuurka KMG ah ay la dhamaaneyso muddo xileedka baarlamaanka 10aad. Maadaama duruufaha jira owgood aysan suurtagal ahayn in dastuurka afti dadweyne lagu meel mariyo waxaan madaxda ugu baaqay in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu xeerinayo oo looga hortagayo in dalku dastuur la’aan noqdo” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Farmaajo oo u ekaa mid aanba ogeyn xilliga dastuurka waqtigii loogu talagalay sii dhammaanayo ayaa xusuusintii Xasan Sheekh fursad weyn oo uu ku xusuusto u noqotay.

24-kii December, Madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixay xeer dib loogu dhigayo ansixinta wax ka bedalka dastuurka, waxaana uu qiray in waqtigan aanay suurtagal ahayn in howlaha dastuurka laga sii shaqeeyo.

“Iyadoo aan waxba loo dhimeyn Qodobka 136aad ee Dastuurka KMG, Madaxweynuhu waxa uu dib-u-dhigay ansixinta dib-u-eegista Dastuurka, waxa uuna Baarlamaanka 11aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, ansixiyeenna Guddiga La Socodka BFS, iyadoo ay la socoto warbixin faah-faahsan, habraaca ansaxinta Dastuurka KMG iyo qabyo-qoraalkii 3-aad ee Dastuurka KMG, si loo dhameystiro looguna ansixiyo muddada Xilhaynta Baarlamaanka 11aad.” ayuu ku yiri Farmaajo xeerkii uu soo saaray.

QALAD SHARCI OO UU GALAY FARMAAJO

Arrinta kale ee la yaabka leh ayaa ah, in Farmaajo aanu shaqo ku lahayn in uu soo saaro xeer sidan oo kale ah, walibana uu saxiixo, taas oo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ku sheegeen iney tahay sharci ku tumasho.

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu sameystay wax walbo oo maskaxdiisa kasoo maaxtay, isaga oo aan eegin sharciga dalka u yaalla.

"Ma ahayn in madaxweynaha in inta arrimaha dastuurka xeer ka dhigt hadane isaga un uu saxiixo, waxay ahayd in marka hore baarlamaanka ay ka fariistaan, u codeeyaan in loo dhigay wax ka bedalka dastuurka baarlamaanka soo socda, kadibna sharci laga dhigo, markaas isaga oo sharci ah loo geeyo madaxweynaha, ugu dambeyn uu isaga saxiixo" ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.

Mudadii ay jirtay dowladda Farmaajo waxaa qarash aad u badan lagu bixiyey sidii KMG looga bixin lahaa Dastuurka dalka u yaalla, balse wax walbo waxa ay dib ugu laabteen halkii ay joogeen sanadkii 2016.

Dowladda Maxamed Cabdullaahi ayaa ku fashilantay in ay dalka ka saarto Dastuurka ku meel gaarka ah, sida ay uga fashilantay doorasho qof iyo cod ah.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 24 January 2021 7:00

Warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka waxaan adinku soo gudbinaynaa Wararkii ugu waaweynaa ay Keydmedia Online tebisay Todobadii Maalmood ee lasoo dhaafay, kala soco Macluumaadkii ku dhaafay.