Caqabadaha hortaagan Wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareb ee DG Galmudug 

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyo Agaasime Fahad Yaasin iyo taagerayaashooda oo ah kooxda loo yaqaan N&N waxay qaadeen olole ballaaran iyo brobaganda ay ku abuurayaan tuhun iyo qalalaase ay ku fashilinayaan wejiga labaad ee shirka Dhusamareeb ee loogu tala galay ka wada xaajoodka doorashada dadban ee 2020/2021.

Caqabadaha hortaagan Wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareb ee DG Galmudug 

Caqabadaha kooxda N&N ay abuurtay waxaa ka mid ah:

1. Inay ciidammo tiro badan iyo saraakiil caan ku ah ku gaboodfal ay geeyeen magaalada Dhuusamareb, kuwaaso abuuray xiisad xun;

2. Inay suuqa geliyeen in Madaxweyne Farmaajo dalbaday inuu la wareego hoggaanka iyo maamulka shirka, dowlad goboleedka galmudug na diiday. Ka wada hadalka nidaamka doorashada waa mas’uuliyad wadaag ah (collective responsibility). Ujeedada N&N ka leedahay warkaas waxay tahay in Madaxweyne Qorqor lagu kiciyo xiisad siyaasadeed, laguna khasbo inuu ka tanaasulo dhawrista mas’uuliyadda martigelinta ka qayb galayaasha shirka iyo ilaalinta habsami u socodka shirka; 

3. In Madaxweyne Farmaajo geeyo dhuusamareb madax aan loogu tala gelin ka qaybgalka wejiga labaad ee shirka si loo abuuro muran iyo dood hor istaageysa wada hadalka shirka iyo go’aammadii ka soo baxay wejigii 1aad ee shirka;


4. In Guddoomiyaha Guddiga doorashada Qaranka Marwo Xaliima Ismaaciil loo diray si gardarro ah degmada dhuusamareb oo ay soo jeedo si Madaxweyne Qorqor loogu khasbo inuu taagero Guddiga doorashada federaalka taaso looga dan leeyahay in khilaaf iyo kala qaybin looga dhex abuuro Dowlad Goboleedyada horey ku heshiiyay mowqif ay ku mideysan, yihiin, laguna taagero ujeedada N&N oo ah kala qaybinta dowlad Goboleedyada iyo afduubka doorashada 2020/2021. 


5. In RW Xassan Cali Kheyre ku cadaadinayo Dowladda Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, iyo Koofur Galbeed inay taageeran mowqifka N&N iyo Guddiga doorashada oo ah kordhinta mudda xileedka Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha JFS si loo siiyo taagero dhaqaale; loona takooro dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. 


6. In baraha bulshada la geliyo in Madaxweyne Sicid Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe la heshiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo N&N qabiil darood ahaan, lana siinayo dhaqaale badan. Sidaa darted, Madaxweynayaasha Hawiye Axmed Qorqor iyo Maxamed Cabdi Waare la saarayo cunaqabateyn si xukunka looga tuurayo. Xeeladdaan waa tii loo adeegsaday isku dirka Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf iyo ASWJ si looga takhaluso dhammaantood. 


7. Inaan wejiga 2aad ee shirka dhuusamareb wax go’aan ka soo bixin si beesha caalamka loogu khasbo inay taageraan mowqifka N&N. 

Dhammaan tallaaboyinkaas waxay abuureen jaahwareer, kalsooni darro ballaaran, iyo kala irdhaw soomaaliyeed, hase yeeshe waxaan u aragtaa guul iyo cimri dheeri xukun.

Dr Maxamuud Maxamed Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.