Farmaajo dad iyo degaan inuu ka tago ma rabo

Falanqeyn Keydmedia Online

Tan iyo 2011, Tobon sano kadib, xalay magaalada Muqdisho waxa ay marti galisay dagaallo, waxaana dadka caasimadda deggen dhagaha ku gufeysanayaan, dhawaqa madaafiicda uu shacabka ku garaacayo Hoggaamiya Kooxeedka taagta daran ee Ina Farmaajo, waa falanqeynta Guuleed Faarax ee Keydmedia Online.

Farmaajo dad iyo degaan inuu ka tago ma rabo

Farmaajo oo ku guuldareysatay muddo kordhin uu ku riyooday isaga oo soo jeeda, ayaa u tafa-xeytay, dagaal, iyo inuu madaafiic ku xasuuqo shacabka degan Caasimadda oo uu rumeysan yahay in maalka iyo magta taallaba uusan isagu waxba ku lahayn.

Dabayaaqadii 2017, ayuu hindisay in uusan Muqdisho kaga tagin nabad, wuxuuna si taasi ugu suura gasho dhaqan galiyay sameynta ciidan daacad u ah, oo uu ka soo miinguuriyay  nidaamkii faasidka ahaa ee Ina Siyaad Barre.

Si uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed u gumeysto, wuxuu dhidibada u taagay ciidamo magacyada bahlada wata sida; Gorgor, Haramcad, Danab, Gashaan, Waran, Duufaan iyo kuwo kale, wuxayna u taagan yihiin halkii ay Siyaad Barre u taagnaayeen ciidamadii Dhabar-jebinta, Hangash, Dabagalka, Guulwadayaal, Xoogaga-qarsoon, soo-qabte iyo qaarajiye.

Dagaal ceyn kaan ah Muqdisho waxaa ugu danbeysay 2011-kii markaas oo Dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Muqdisho ka xoreyneysay Kooxda Al-Shabaab, oo hadda uu Farmaajo u adeegsado dilka dadka ka aragtida duwan, sida weerarkii lagu qaaday Huteel Afriik, Feb 1, 2021, halkaas oo lagu qaarijiyay AUN, Generaal Maxamed Nuur Galaal.

Farmaajo isaga oo aan heysan sharciyad uu kursiga kula fadhiyo, dhaqaalo la’aan awgeed dawarsanaya, aan heysan taageero gudaha ah iyo mid caalami ah ayuu u istaagay dagaal uusan ogoyn waxa ka dhalan kara, waa yaabe, ma wuxuusan aqoon dadka uu weerarka ku yahay, mise wuxuu hilmaansan yahay Muqdisho iyo marti galinteedii dagaalladii soo maray sidii ay u maareysay.

Neefka marka la gowraco wuu raftaa wuxuuna aaminsan-yahay inuu baxsanayo oo cadowga midida la dul taagan uu ka fakanayo, taase ma ahan xaqiiq ee wuxuu ku jiraa daqiiqaddii u danbeysay noloshiisa, hadda waa xaqiiq Farmaajo, wuxuu rafanayaa rafashadii u danbeysay, wuxuuna dhawaan guran doonaa miraha uu beertay.

Waa mahad alle, in uu caawa bannaanka is keenay ee intii wali rajo ka qabtayay ka quusta, haddii kale qoomamo iyo qamuunyo ayaad waligiin qeyb u yeelan doontaan, qadarinna dadka dhexdiisa kama heli doontaan.

Waxa maanta taagan ninka aan garan, midda birri ma tawalin karo, reer Muqdisho, dulmiga caawa dul saaran waa in ay ka gilgishaan, ama ogolaadaan in 20 sano la duleysto oo dad aan jirin laga soo qaado.

Farmaajo, isagoo qaawan ayuu bannaanka taagan yahay, haddaan loo helin nin sidiisa oo kale isku mutaxa waa xaqiiq dalkaan wuu duminayaa, dadka wuu dulleysanayaa, ugu danbeynna aayado Qur’aan ah ayuu nasaqayaa, sidi uu horay u sameeyay adeerkiis Ina Siyaad Barre.

Ganacsatada uu canshuurta xoogga ah ka qaato, caawa ayay u caddaatay In Farmaajo uusan hantitooda u naxayn, waana in ay diidaan bixinta canshuurta dadkooda iyo degaankooda lagu dulleynayo.

Ugu danbeyn dibad joogta, waxaan leeyahay, Farmaajo, isagoo digsi uu ku dawarsado wata ayuu idiin soo socdaa, ee labo mid kala doorta in dadkiinna aad ku naaxisaan Kalitalis, la mid ah midkii idinka dalka idinka soo saaray, iyo in aad lacagtiina heysataan, si dalka looga badbaadiyo manaxahaaan aan awoodda lahayn.

GUULEED FAARAX - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.