DICTATOR!

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Farmajo iyo taliyayaashiisa waa koox diyaar u ah inay is halligan, dadka iyo dalka Soomaaliyeedna halligaan. Dantooda ayaa wax walba kala weyn. Waa garmaqaatayaal ka xag jirsan Al Shabab, tani waa fallaaqeynta Dr. Culusow. 

DICTATOR!

Farmajo iyo taliyayaashiisa waa koox diyaar u ah inay is halligan, dadka iyo dalka Soomaaliyeedna halligaan. Dantooda ayaa wax walba kala weyn. Waa garmaqaatayaal ka xag jirsan Al Shabab. 

Horey ayaan u sheegay in Farmaajo si qaldan u fahmay tilmaamaha dastuurka ku qoran oo kala ah “Madaxweynaha waa astaanka Qaranka iyo Madaxweynaha waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida.” Farmajo ma akhrin qodobka ku saabsan mabaadi’ida asaasiga ah dowladda federaalka 3, kan ku saabsan xilkiisa iyo awoodihiisa 90, kuwa ku saabsan xilalka iyo awoodaha Golaha Wasiirrada iyo Ra’iisul Wasaaraha 99 iyo 100, kan ku saabsan Xukuumadda xilgaarsiinta 103, qodobbada ku hoos cutubka 14 ee Nabadda iyo Ammaanka  oo kala 126 ilaa 131 oo ka hadlaya mabaadi’da Ciidammada Qalabka Sida iyo ku takrifalka awoodda dowladda oo kiiska Ikram Tahlil hoos imaanayo. Waxaa kaloo jira qodobbada ku saabsan Garsoorka Madaxabannaan. 

Qoraalka Farmajo u gudbiyay warbaahinta, kuna sheegayo inuu shaqada ka “joojiyay,” “ka wareejiyay,” RW Roble waa mid naxdin leh, waayo waa mid ka soo bixi kara qof isku buuqay, aan laheyn dareen mas’uuliyadeed. Qoraalka wuxuu  soo bandhigaya maan la’aan,  xishood la’aan, qar iska tuurnimo, iyo hadalkii Muse Sudi ee ku saabsanaa “dabacadeeyaha dibkiisa ku walaaqayay digaagga habeenkii si aysan u seexan, u nasan habeenkii oo dhan.”

Qoraal shalay ay Hay’adda Xasaradaha Adduunka ( international crisis group) soo saartay, ayey ku sheegtay in Farmaajo ku fekerayo inuu ku dhaqaaqo tallaabooyin halis ah oo mid tahay midda uu maanta ku dhaqaaqay. Hay’addu waxay ka digeysay tallaabaas oo kale, waxayna beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, Yurub, iyo Ingiriiska ku boorineysay inay ka hortaagan tallaabooyinka uu damacsan yahay Farmajo si xaaladda soomaaliya aysan u sii murgin ama faraha uga bixin. 

Farmajo oo diiday “in muddo xileedkiisii dhammaday,” sida ku cad qodobka 91 ee dastuurka kmg, welina sharcidarro ku jooga Aqalka Madaxtooyada “Villa Soomaaliya,” ayaa sheeganaya inuu leeyahay awood uu shaqada uga joojiyo, uga wareejiyo Ra’iisul Wasaare Roble waqti dastuurka farayo in RW Roble hoggaamiyo dowladda muddada doorashada sida ku cad qodobka 103, isla markaana lagu ayiday go’aakii siyaasadeed ee soo baxay 1da Maajo 2021 iyo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ee soo baxay 27da Maajo 2021, iyo go’aankii Golaha Ammaanka ee QM iyo Midowga Afrika. Guud ahaan, marna Madaxweynaha JFS awood uma lahan inuu RW ka joojiyo shaqadiisa. Awooddaas waxaa iska leh oo gaar u tahay Barlamaanka Federaalka. Waa kalsooni kala noqosho. Madaxweynaha iyo RW ma lahan wax shaqo joojin iyo shaqo wareejin la yiraahdo. 

Ujeedada qoraalka Farmaajo wuxuu noqon karaa abuuritaanka walaahow iyo buuq lagu doonayo in gorgortan laga galo joojinta baarista kiiska Ikram Tahlil Faarax, dib uga noqoshada tallaabooyinka RW Roble ka qaaday hakinta sharcidarrada iyo fidnada Farmaajo , iyo xil ka qaadista Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasin, iyo oggolaanshaha faragelinta Farmaajo ee doorashada socota. 

Farmaajo wuxuu doonaya “awood keligi talis.” 

Farmaajo wuxuu kaloo doonaya in walaahowga, buuqa, iyo qoraallada  aan macquulka aheyn looga sheekeeyo baraha bulshada iyo jaraa’idka caalamka lana yiraahdo “farmajo ayaa xilka ka qaaday ama shaqada ka joojiyay RW Roble,” taaso ah sal iyo raad laheyn, ahna jaahwareerin ah iyo hadal aan wax ka soo qaad laheyn. 

Farmajo oo ah “Madaxweyne sharci ah, iskadaa Madaxweyne sharcidarro ah,” xil kama qaadi karo kamana joojin karo RW. Tan labaad, ma jiri karo gole wasiirro ama wasiirro shaqo dowladeed qaban kara oo aan laheyn RW. Jiritaanka Xukuumadda wuxuu ku xiray jiritaanka RW. Intaa waxaa ka weyn in lagu jiro marxaladda doorashada ku tilmaaman qodobka 103 oo Madaxweyne iyo Barlamaanka jirin, Xukuumaddana tahay “xilgaarsiin.” RW waa qaadi karaa tallaabooyin xaddidan ee lagu sugayo nabadgelyada, cadaaladda, iyo habsami socodsiinta hawlaha dowladda ilaa xukuumad rasmi laga dhisayo. Maqnaanshaha Barlamaanka darted, ayaa loogu magacaabay Xukuumadda xilgaarsiin. 

Hadda ka hor ayaa Farmajo si sharcidarra ah u magacaabay Kusime RW xukuumad Ra’isul Wasaareheedi is casilay, halka nidaamku ahaa in RW is casilay ahaanayo kusime ilaa RW cusub Barlamaanka Federaalka ka soo ansixinayo. 

Maanta Farmajo asagaa RW isu magacaabay, taaso gef weyn ku ah shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan mas’uuliinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed. 

Sidaa darted, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Maxkammadda Ciidammada Qalabka Sida, guddooniyayaasha Maxkamadaha, Xeer ilaaliyaasha, Golaha Qaryaqaannada, ururrada bulshada, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Wasiirrada, taliyayaasha Ciidammada Qalabka Sida, Madaxda maamulka dowladda, ganacsatada, culumada, Madaxda warbaahinta xorta ah, haweenka, dhallinyarada, odayaasha dhaqanka, waxaa la gudboon inay Farmaajo ugu sheegaan cod aan mugdi ku jirin inuu ka baxay xeydaabkii dowladnimo, ficilladiisana yihiin sharci darro iyo qar iska tuur, ayna dhaawacayaan rajada, karaamada, iyo dhaqan waagga dowladnimo, ilaalinta dastuurka iyo heshiisyada siyaasadeed ee ku saabsanaa doorashada 2020/2021 si Ummadda Soomaaliyeed uga baxdo xaaladda ba’an ee bani’aadannimo, siyaasadeed, nabadgelyo, iyo dhaqaale ee ay ku jirto. Sidaa darted, u sheegaan inuu nasto, faraha kala baxo shaqada Xukuumadda xilgaarsiinta. 

Lama oggolaan karo in Farmaajo ku tunto, burburiyo dowladnimada Soomaaliya ama carqaladeeyo doorashada asagoo diidan baarista kiiska Ikram Tahlil Faarax ama difaacaya xil ka qaadista Fahad Yaasin ama doonaya mas’uuliyad iyo awood sharcidarrada ah.  

Khilaafka iyo is qabsiga uu abuuray Farmaajo asagoo diidan baarista kiiska Ikram, diidan xil ka qaadista Fahad Yaasin, ama ku carqaladeynayo doorashada ma ahaan kuwo gorgortan iyo dhexdhexaadin laga geli karo. Danta guud kuma jirto in khilaafka dowladda loo adeegsado ku tumashada dhaqanka dowladnimo ee ku sharraxan dastuurka, aqoonta cilmiga dowladda, iyo hab dhaqanka Caalamiga. 

RW Roble iyo Golihiisa Wasiirrada waa hawl fuliyayaal mas’uul ka ah hoggaaminta dowladda muddada doorashada socota. Madaxweynaha iyo Barlamaanka wax u yaal oo shaqo dowladeed ah ma jiraan sida ku cad dastuurka kmg. 

Yaan buuqa iyo dhaqan xumada dowladnimo ee Farmaajo la gelin qiimo aysan mudneyn. 

Dr. Maxamud Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.