Hawiye iyagaa is jabiyay

Beesha Hawiye iyagaa is jabiyey ee beesha Darood kagama adkaan doorasho, xilka Madaxweynaha Somaliyana iyagaa is dhaafiya markasta, in eedda Daarood, Dir, Digil iyo Mirif ama Soomaali kale la saaraa waa liidnimo iyo qiiq isku qarin dan kaleeto laga leeyahay.

Falanqeyn Keydmedia Online
Hawiye iyagaa is jabiyay

1. 1960 Adan Cabdille Cusman, Adan Cadde ayaa Soomaali oo mid ah u doorteen Madaxweynihii u horeeyey ee Jamhuuriyada Soomaaliya.

2. 1967 Somali ayaa markale u codeeysay, Adan Cadde laakiinse Mudanayaashii Hawiye ayaa ka hiiliyey oo codkoodii siiyey Cabdirashid Cali Sharmaake.

3. 1969 General Siyaad Barre markii uu inqilaabka ku qabsanayey Somaliya, saraakiil badan oo Somali ah ayaa ka diiday abaabulkiisii, balse saraakiil Hawiye ahaa sida Salaad Gabeyre, Galaal, Kulmiye ayaa la saftay, waxyar ka dibna qaarkood waa laayey, kuwana xirxiray. Fashilaad iyo hoog ayaa ku dhacay Somali oo dhan muddo 21 sano ah. Fashil

4. 1991 kolkii Somalidii ku shirtay Jabuuti ay dhamaantood u doorteen Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed isagoon Jabuuti joogin oo Muqdisho ku sugan, waxaa Madaxnimadiisii ka hor yimid Hawiye uu hogaaminayo Gen. Maxamed Farah Caydiid. Fashil.

5. 2000 Shirkii Carta, Jabuuti waxaa dadkii Somaliyeed ee halkaas ku shiray ay markaleeto siiyeen codadkoodii 2 nin oo Hawiye ah Cabdullahi Cadaw iyo Cabdiqasim Salaad, si midkood xal uga keeno dhibaatada Somaliya siiba Caasimada Muqdisho oo hogaamiye kooxeedyo Hawiye u dhashay ay kala qobqobteen. Fashil.

6. 2004 Shirkii Mbakaati, Kenya waxay Hawiye diideen Cabdiqasim Salaad, Cabdullahi Cadaw iyo Maxamed Qanyare oo Madaxweynanimo u tartamayey, waxayna Hawiye badankood codkoodii siiyeen Cabdullahi Yusuf. Fashil

7. 2009 Somali oo isku duuban, waxay markaleeto ku doorteen Jabuuti Madaxwryne Shiikh Sharif Shiikh Axmed si xal loogu helo kacdoonkii diinta ee Islaamiga ahaa, siiba hareeyey Muqdisho. Waxaa dawladaas ka hor yimid siyaasiyiintii Hawiye iyo kuwii diinta ku qaraabanayey sida hogamiyihii haraagii Maxkamadaha Islaamiga Sh. Xasan Dahir Aweys. Fashil.

8. 2012 waxaa Somali u kala codeeysay 2 nin oo Mudulood Hawiye ah, waxaana ay u dooratay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

9. 2017, Hawiye waxay u rideen si aqlabiyad ah Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, halkaasna u doorteen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Xamarna laga bilaabay qaylo iyo taageero tii Kacaankii oo kale ah FARMAAJO NOO GEEYA. Khatar cusub.

10. Doorashada 2021/22 beesha Hawiye oo dhaqaale, aqoon iyo awood haysataa waxaa kursiga Madaxweynaha u taagan 12 hogaamiye oo musharixiin ah ayna ku jiraan 2dii Madaxweyne ee Somaliya tan iyo 2009-2017, Shiikh Sharif Sh. Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamud. 

Hadaan Hawiye hogaamiyaashooda siyaasadeed isu tanaasulin oo ayna hal ama labo qof ku midoobin miyaanay muqaan in ay xilka Madaxweyne waayi doonaan? In eedda Daarood, Dir, Digil iyo Mirif ama Soomaali kaleeto la saaraa waa liidnimo iyo qiiq isku qarin dan kaleeto laga leeyahay.

  • user pic

    Wali

    • 14 August 2021

    Anigu xataa arintan waan is waydiiyay sababtu ma siyaasada ayayna u Bislayn mise laaluush qaataal bay u badanyihiin.




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.