Ka Digtoonow:

Khatarta Kharijinta

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Farmajo ma garowsana in khaarijinta (assassination) sarkaal ka tirsan Nabadsugidda dowladda ay aad uga duwan tahay dilka dad badan, waajibna tahay in dhaqso lagu gungaaro.

Khatarta Kharijinta

Ololaha lagu codsanayo baarista iyo horgeynta cadaaladda kiiska khaarijinta Sarkaalad Ikram Tahlil Faarax la tuhunsan yahay inay mas’uul ka yihiin saraakiil ka tirsan hay’adda Nabadsugidda (NISA) wuxuu shaaca ka qaaday khataro badan ee halis ku ah nolosha, hantida, karaamada, horumarka, iyo dowladnimada guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacbiga ku nool gobolka Benadir iyo dowlad goboleedyada dowladda federaalka ku amar taagleyso.

Dhibka iyo culeyska amar ku taagleynta dowladda federaalka wuxuu ku dhaca ama saaran yahay shacabka ku nool Gobolka Benadir iyo dowlad goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, iyo Koofur Galbed.

Shanta sano ku dhawaadka Farmajo Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya waxaa daaqadda ka baxay ilaalinta sharciga iyo xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta soomaaliyeed, daahfurnaanta iyo la xisaabtanka hay’adaha iyo mas’uuliinta dowladda federaalka, ilaalinta dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo, iyo dardargelinta horumarka dalka. Waxaa xoogeystay dhaqanka keligi talisnimada sida ka sarreynta sharciga, eexda iyo kala qaybinta bulshada, dhirrigelinta afminshaarnimada, baahida laalushka iyo musuqmaasuqa, abuuritaanka ciidammo qarsoodi ah oo ka baxsan dastuurka, kana amar qaata shakhsiyad gaar ah, cabburinta guud ahaan shacabka, gaar ahaan mucaaradka, iyo dibin daabyada iyo boobka doorashada, iyo u adeegidda dowladu shisheeye ah.

Warqadaha isburinaya ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku weeraray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xussein Roble waxay shaaca ka qaadeen khataro halis ku ah jiritaanka dowladnimada Soomaaliya iyo miisan la’aan hoggaamineed. Farmajo ma cuskanayo qodob dastuur ama sharci ee la xiriira arrinta uu ka hadlayo, ama wuxuu cuskanaya qodob ka saabsan mas’uuliyadda iyo awoodaha Madaxweynaha haseyeeshe aan wax shaqo ah ku laheyn awaamirta u bixinayo. Warqadaha Farmaajo waxay abuureen jaahwareer iyo walaahow aan nuxur ku fadhin, dadweynaha lagu cabsi gelinayo in guryaha iyo hantida reer Muqdisho la burburinayo haddii aan la aqbalin amarrada qaldan ee Farmaajo.

Warqadaha isburrinaya waxay shaaca ka qaadeen in:

1. Farmajo ma akhrin ama ma aqoonsana dastuurka asagoo loo doortay inuu ilaaliyo ku dhaqanka dastuurka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Ilaalinta Midnimada wuxuu ku beddelay kala qaybinta Ummadda Soomaaliyeed.

2. Farmajo ma aqoonsana kala qaybsanaanta awoodda dowladda ee sharci dejinta, Laanta Fulinta, iyo Garsoorka. Madaxweynaha kama ka mid ahan saddexda awoodood ee uu yahay geed fadhiye, hogaan haye, ama goolhaye qaranka. Madaxweynaha wuxuu saxiixa sharciga dalka lagu maamulo. Ma sameeyo, ma fuliyo, mana dabaqo sharciga.

3. Farmajo ma aqoonsana in dastuurka oggol yahay 4 ciidan keli ah oo hub qaadan kara, ciidan kastana hoos yimaado talis hoos yimaada Laanta Fulinta. Dastuurka ma oggolaha ciidammo aan hoos imaaneyn 4 talis midkood.

5. Farmajo si qaldan ayuu u fahmay kalmadaha ku qoran dastuurka oo kala ah “Astaanta midnimada qaranka,” iyo “Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida.” Labada kalmadood ma ahan awoodo la siiyay Madaxweynaha ee waa xilal laga rabo inuu Madaxweynaha guto. Awoodaha iyo xilalalka kale ee Madaxweynaha la siiyay waxay ku cad yihiin qodobka 90 ee dastuurka kmg.

6. Farmajo ma aqonsana inay tahay dambi in dowladdu bixiso Diyo. Dowladda waxay bixisa magdhaw, cawlcelin ay maxkamad go’aamiso ama oggolaato kaddib marka la caddeeyo dambiga dhacay iyo cidda mas’uulka ka ah.

7. Farmaajo ma aqoonsana inay dambi tahay inuu hor istaago dacwo u dhexeysa muwaadin Soomaaliyeed iyo hay’ad dowladeed oo garsoorka ku shaqo leeyihiin.

8. Farmajo ma aqoonsana inay sharcidarro tahay u magacaabidda Fahad Yaasin xilka Lataliyaha Ammaanka Madaxweynaha kaddib markii laga qaaday xilkii Agaasimaha Guud ee NISA asagoo lagu tuhmay inuu ku lug lahaa khaarijinta sarkaalad Ikram Tahlil. Hay’adaha Caalamka lama shaqeynayaan shakhsiga lagu tuhunsan yahay khaarijinta qof bani’aadam ah.

9. Farmajo ma aqoonsana Barlamaanka Federaalka sharciga ah (muddo xileedkiisa uusan dhammaan) iyo Garsoorka ku shaqo leeyihiin ilaalinta howl fulinta Laanta Fulinta.

10. Farmajo ma garowsana in khaarijinta (assassination) sarkaal ka tirsan Nabadsugidda dowladda ay aad uga duwan tahay dilka dad badan, waajibna tahay in dhaqso lagu gungaaro.

11. Farmajo ma aqoonsana in ilaalinta dastuurka, danta guud, iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo ay mudnaanta ka leeyihiin ilaalinta qof aad saaxib tihiin. Waxaa jira qaab sharciyadeed, maamul, ama siyaasadeed ee saaxiibka laga gardaran yahay isku difaaci karo.

12. Farmajo ma dhibayso dhibaatada shacabka iyo dalka ka soo gaaraya buuqa iyo qalalaase siyaasadeed ee uu abuurayo xitaa haddii uu socdo sannado. Wax walba waxaa uga muhiimsan in rabitaankiisa sharcidarrada ah u meelmaro.

Dr. Maxamud M. Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.