Rooble oo ka shaqeynaya boobka kuraasta Xildhibannada Soomaliland

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Saansaanta doorashada Xildhibannada Barlamaanka Federaalka 11 waxay u badan tahay inay horseed u noqon doonto burburka dowladnimada Soomaaliya sababtoo ah waxaa socda hirgelinta qorshaha doorasho boobka ee Farmaajo iyo taagerayaashiisha wadeen 4 sano iyo dheeraad.

Rooble oo ka shaqeynaya boobka kuraasta Xildhibannada Soomaliland

Waxaase nasiib darro ah in RW Roble mas’uul ka noqon doono eedaha, dhalliilaha, iyo ceebaha maamulxumada, boobka, iyo fadeexadaha badan ee laga dhaxli doono doorashada la bilaabay is xilqaan la’aan xagga turxaan bixinta habraaca doorashada dhinacyo badan.

RW Roble oo xilka hoggaaminta doorashada lagu wareejiyay kaddib markii muddo sannad ka badan halgan lagula jiray Farmajo oo gaaray inuu diido qabadashada doorasho heshiis lagu yahay, saxiixday qoraal muddo kororsi 2 sano ah, hase yeeshe guuleystayaasha Ciidammada Qalabka Sida ku khasbeen inuu ka noqdo muddo kororsiga, xilka doorashadana u daayo Xukuumadda xilgaarsiinta ee RW Roble Madaxda ka yahay.

RW Roble asagoo aan qiimeyn xadgudubyada, dhibaatooyinka faraha badnaa, khilaafaadka iyo maamulxumada uu abuuray farmajo si uu u helo muddo kororsi ama u boobo doorashada, dagaalkii soo dhexmaray Madaxda DF iyo DG, ka fekerin isbeddelka qotada dheer ee loo baahan yahay inuu la yimaado, ayuu guul ka dhigtay ansixinta qodobbo Farmaajo ka cagajiidayay si muddo kororsi u helo.

RW Roble wuxuu hor is taagay inuu Wadatashiga doorashada ka qayb geliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo matalaya reer Soomaliland iyo wakiillo ka socda mucaaradka. Puntland iyo Jubbaland waxay aqbaleen qodobbada horey ay u soo jeediyeen madaama ay muddo dheer ka hortaagnaayeen maamulxumada, xadgudubyada iyo damaca boobka doorashada ee Farmaajo. Waxay kaloo xeeriyay in la tijaabiyo isbeddelka, madaxbannaanida, kartida, iyo daacadnimada RW Roble.

Nasiib darro, RW Roble ilaa maanta ma garowsan in qabashada doorasho xeerkeedu qabyo yahay, daldaloolo badan ku jiraan, musuqmaasuqeeda cad yahay ay la mid tahay inaan doorasho la qaban. Qabashada doorasho dileysa kalsoonida Shacbiga ku qabo natiijada doorashada waxay u horseedeysa burburka dowladnimada Soomaaliya.

Farmajo dan kama laha doorasho heshiis lagu yahay iyo dowlad Soomaaliyeed oo taabbagal ah, waana arrinta sababta u ah in cid kasta gaashaan la yuurar noqoto si looga gaashanto xukun boobkiisa. Sidaas oo kale RW Roble, ma garawsan in RWKX Mahdi ka tirsan yahay xafiiskiisa, uusan la sinneyn Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, sababtoo ah RW Roble wuxuu raalligelinaya farmajo oo xadgudkaas raba.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo tixgelinaya mas’uuliyadda hoggaaminta doorashada ee RW Roble loo xilsaaray ayaa oggolaaday inuu RW Roble soo magacaabo 3 xubnood ee guddiga doorashada Xildhibannada Somaliland ka mid noqda oo aan la safneyn Xubnaha RWKX oo ah madaxa ololaha doorashada Farmaajo. Guddoomiye Cabdi Xaashi waa tuhunsanaa in RW Roble ku shaqeynayo amarka Farmaajo, hase yeeshe wuxuu tixgeliyay in Xubnaha Golaha Wadatashiga iyo ballaan qaadyada RW Roble oo ahaa gadaasheyda la firiin in laga salgaaro.

Nasiib darro, guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mucaaradka waa ku hungoobeen. RW Roble wuxuu soo magacaabay xubno la jaal ah xubnaha RWKX Mahdi. Sidaa darted, waa gardarro iyo gef weyn in RW Roble ku doodo ama ku taliyo in guddi labo dhinac soo kala magacaaben oo kala ah RW+RWKX iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare doorasho cod ah ka dhacdo.

Madaama RW Roble caddeystay taagerada Farmaajo ku doonayo boobka doorashada Xildhibannada Somaliland, waxaa lagama maarmaan ah in Golaha Wadatashiga Qaranka, Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha, Mucaaradka, iyo bulshada ra’yidka, iyo Beesha Caalamka ka qabtaan RW Roble xadgudubka uu ku sameynayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi asagoo u eexanaya farmajo iyo RWKX Mahdi oo madax u ah ololaha doorashada Farmaajo.

Doorashada Xildhibannada Soomaliland waa in laga xoreeyo afduubka Farmaajo ku hayo, lana tixgelinayo talooyinka Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku jira booska Madaxweynayaasha DF.

Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu xaq u leeyahay inuu iska difaaco Farmaajo oo muddo dheer ku hayay xadgudub ka soo horjeeda dastuurka, nidaamka dowladnimo, iyo anshaxa siyaasadda dib u dhiska Soomaaliya.

Dr. Maxamud M Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.