Farmaajo

Saddex tallaabo oo dalka looga badbaadin karo

Falanqeyn Keydmedia Online

Farmaajo waa kelitaliye ciil-qabe ah, waa dhagar-qabe arxandaran, madax adag, qabiiliiste ah, macangag ah, waxa uu doonayana raba inuu dhiig iyo qasab ku socodsiiyo, hadaba sidee looga badbaadin karaa dalka? 

Saddex tallaabo oo dalka looga badbaadin karo

TALLAABADA (A):

(A) Farmaajo waa kelitaliye ciil-qabe ah, waa dhagar-qabe arxandaran, madax adag, qabiiliiste ah, macangag ah, waxa uu doonayana raba inuu dhiig iyo qasab ku socodsiiyo. Farmaajo waxa uu ku wacadfuray ummadda, waxaa uu ka baxay dhammaan ballamihii uu u qaaday, waxaa uu galay khiyaamo qarano iyo dembiyo culus oo badan, waxaa uu nidaamkii dimoqaraadiga ahaa ee dalka ku bedalay kelitalisnimo qabiil, waxaa uu horjoogaa in dalka laga qabto doorasho xalaal ah, waxaa uu rabaa inuu ku soo noqdo doorasho boob, kuraas iibsasho iyo inuu sameeyo qaskasta oo kale si uu xukunka dalka ugu soo noqdo.

Sidaas daraadeed, Waxaa lagama maarmaan ah in Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka laga dhaadhiciyo in Farmajo carqalad ku yahay doorasho xalaal ah oo dalka ka hirgasha, inuu halis ku yahay nabadgelyada dalka, iyo inay aad u sarrayso suurtagalnimda inuu dalka ka rido dagaal sokeyee kursiga awgiis, sidaas daraadeedna ay waajib tahay in si wadajir ah dalka looga qabto.

HADDII TALLAABADA KU QORAN (A) AY SUURTOOBIWEYDO, WAXAA LA QAADAYAA TALLAABADA SOO SOCOTA EE (B):

TALLAABADA (B):

(B) Dastuurka Somalia uma oggola Farmaajo inuu isu soo sharaxo madaxweyne mar labaad sababta oo ah waxaa uu galay dembiyo culus oo badan kuwaas oo suurtogelinaya in Farmaajo laga saaro liiska musharaxiinta madaxweynaha iyo in degdeg maxkamad loogu soo oogo si doorashada looga reebo. Dembiyada culus ee Farmaajo iyo kooxdiisa ka galeen dadka, dalka iyo dawladnimada kuwaas oo dhammaantood ku cad waxaa ka mid:

1 ) Waxaa uu kumanaan dhallinyaro ah oo ah muwaadiniin Somaliyeed ku xasuuqay dagaalka sokeeye ee Itoobiya si uu u difaaco kursiga Abiy Ahmed.

2 ) Waxaa uu kelitalisnimadiisa u kordhiyay laba sano oo xoog ah isaga oo og in isaga iyo baarlamaankaba waqtigoodii dhammaaday, taas oo ciidanka badbaado qaran burburiyeen 12kii April, 2021.

3 ) Waxaa uu burburiyay laba maamul goboleedyo sharci ku dhisnaa (Koonfur Galbeed iyo Galmudug) kuna laayay mawaadiniin Somaliyeed si uu ugu bedelo maamulo dantiisa u adeega.

4 ) Waxaa uu awoodda sharci ee dawladnimada ka qaaday baarlamaanka dalka (Laanta sharcidejinta) isla markaana saxeexay shuruuc qabyo ah oo aanay si wadajir ah u wada oggolaan laba aqal ee baarlamaanka sida Dastuurku dhigayo.

5 ) Waxaa uu kala fadilay ciidamada qalabka sida oo qaar ka joojiyay dallacaad iyo mushaharka.

6 ) Gelidda dilal qorshaysan sida Ikraan iyo kuwo kale oo badan oo aan wax tallaabo ah laga qaadin.

7 ) Waxaa uu qabiilkiisa degan Gobolka Gedo u raray hub iyo saanad badan oo qaranka ka dhaxeeya.

8 ) Waxaa uu hantidii ummadda (Cashuurta, kaalmada dibedda iyo mashaariicda) inteeda badan ku dhammeeyay laalush iyo iyo Facebook halkii ummadda wax loogu qabanlahaa

9 ) Waxaa uu heshiisyo qarsoodi ah la galay xukuumadda Itoobiya kuwaas oo aan la soo marin baarlamaanka lana ansixin sida sharcigu qabo sababta oo waxaa ku duugan khiyaamo qaran oo la xiriirta dekadaha dalka iyo dhaawicidda madaxbanaanida Somalia.

Midkasta oo ka mid ah dembiyadaas waa dastuur jebin oo uu kas ugu kacay Farmaajo, midkasta Farmaajo waa looga joojinkaraa musharaxnimada madaxweynaha, midkastana Farmajo waxaa lagu saarikaraa maxkamad.

HADDII TALLAABADA KU QORAN (B) AY SUURTOOBIWEYDO, WAXAA LA QAADAYAA TALLAABADA SOO SOCOTA EE (C):

TALLAABADA (C):

(C) Haddii Beesha Caalamku waxba ka qabanweydo halista uu Farmaajo ku hayo dalka isla markaana uu horjoogsado ka saaridda liiska musharaxiinta iyo in dacwad lagu soo oogo, waxaa markaas lama huraan noqonaysa in Farmaajo iyo kooxdiisa laga badbaadiyo dalka, dadka iyo dawladnimada. Haddii uu Farmaajo xukunka dalka ku soo noqdo waxaa uu geysanayaa dembiyo ka waaweyn kuwa uu galay waxaana adkaandoontaa sidii dawladnimada somalia uga soo kabanlahayd. 

Wa Billaahi Towfiiq

Gagale
 

GABYAAGII SALAAN CARRABEY WAXAA UU YIRI:

Hadaad dhimato geeridu marbay, nolosha dhaantaaye
Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin, dheragu xaaraane
Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye
Dhashaaday sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.