James Swan oo is faaniyay

Falanqeyn Mohamud M Uluso

Sabtidii 12 Juun, waxaan dhegeystay madal Clubhouse lagu martiqaaday James Swan, wakiillka Xoghayaha Guud ee QM, madaxa UNSOM, uuna daadihinayay Mowlid Xujaale, taasoo uu uga hadlay Nidaamka Federalka iyo dhalliilihiisa iyo Kaalinta dhallinyarada. 

James Swan oo is faaniyay

Su’aalaha iyo Jawaabaha madasha waxay ku saabsanaayeen: 

1. Nidaamka Federalka iyo dhalliilihiisa;
2. Ismari waagga siyaasadda iyo doorka UNSOM
3. Kaalinta dhallinyarada 
4. Ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinta soomaaliyeed ee diyaaradaha Mareykanka iyo Ciidammada AMISOM dilaan ama dhaawacaan;
5. Taagerada la dagaalanka cudurka COVID-19;
6. Daryeelka dadka tabaaleysan. 

Jawaabaha xiisaha lahaa ee James Swan bixiyay waxaa ka mid ahaa in nidaamka federaalka uu yahay nidaam Soomaalidu ku heshiisay ee uusan aheyn mid dibedda looga keenay. Wuxuu aad ugu dheeraday baahida keentay iyo faa’idada ku jirta nidaamka federaalka. Wuxuu dhegeystayaasha xusuusiyay in haddii Soomaalida rabto inay beddesho nidaamka federaalka ay tahay arrin iyaga u taal. 

Wuxuu sheegtay inuu yahay diblomasi muddo dheer xog ogaal u ah siyaasadda Soomaaliya iyo khilaafaadkeeda, nidaamka federaalkana yahay mid Soomaalida dooratay. 

Wuxuu kaloo sheegay in ismari waagga siyaasadeed ee ka dhex socda Soomaalida laga soo bilaabo 2018 uu hakiyay horumarka siyaasadda iyo nabadgelyada la rajeynayay, taaso aheyd qiraal rasmi ah. 

Wuxuu xusay xiriirka iyo wada hadallada joogtada ah ee uu la leeyahay Madaxda Soomaaliya iyo kuwii ugu dambeeyay ee uu la yeeshay RW Roble, Madaxda dowlad goboleedyada qaarkood si looga gudbo caqabadaha taagan. Wuxuu sheegay inuu tagay Isbitaalka De Martino si uu ula socdo howlaha caafimaadka Covid-19 ee ka socda isbitaalkaas iyo baahida mudnaanta leh iyo taagerada QM bixisay ama damacsan tahay mustaqbalka. (Ma hubo in Madaxweynaha iyo RW tageen isbitaalka De Martino). 

Wuxuu sheegay taagerada QM siineyso dhallinyarada Soomaaliyeed si ay uga qayb galaan siyaasadda iyo horumarka dalkooda. Wuxuu dhallinyarada xusuusiyay inay talada ka timaado xaggooda. 

James Swan wuxuu caddeeyay in UNSOM leedahay habraac adag ee ilaalinta xuquuqda bani’aadamka, lana diyaariyo warbixinno joogto ah, lana bixiyo magdhaw haddii Ciidammada AMISOM dilaan ama dhaawacaan muwaadin Soomaaliyeed sharcidarro. 

Nuxurka hadalkiisa wuxuu ahaa in “UNSOM u taagan tahay ilaalinta iyo horumarka danaha shacabka Soomaaliyeed ee dayacan sanooyinka.” 

Ka soo qayb galayaasha Madasha kama doodin Jawaabaha James Swan oo ifinayay qodobbo badan oo Soomaalidu ku murusan tahay. Waxaa muuqatay in dhallinyarada ay ku dhex lunsan yihiin barnaamijka caalamiga ee horumarinta dhallinyarada iyo duruufaha qallafsan, murugsan ee Soomaaliya iyo arrimaha mudnaanta marxaladda la marayo. 

James Swan wuxuu ka soo qaybgalayaasha Madasha xusuusiyay shaqada fiican ee QM ka wado Soomaaliya. 

Dr. Maxamud Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.