Laasacaanood

Muusow, Tarxiilka & Boobka waa fal dambiyeed

Falanqeyn Keydmedia Online

Go’aanka siyaasadeed oo in ka badan lix boqol oo qof oo Soomaaliyeed laga tarxiilay, laguna boobay qaarkood, waa fal dambiyeed ciddii ka dambaysay lagala xisaabtami doono. 

Muusow, Tarxiilka & Boobka waa fal dambiyeed

Waa ayaandarro in siyaasiyiinta sida Cabdirisaaq Khaliif, oo weli dhalashadiisii Soomaalinimo sita, iyo Yaasiin Xaaji Maxamed Xiir, oo isna magaca Soomaaliya wax ku soo bartay welina haysta sidoo kale dhalashadiisa Soomaaliya, ay raalli ka noqdaan in maamulka Somaliland ka musaafuriyo Laascaanood dad Soomaaliyeed. 

Miyay ku raacsan yihiin hadalka taliye ku sheegga booliska ah” “Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi, waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale, waanna ka saaraynaa Laascaanood, annaga Soomaali ma nihin waxba nagama gelin, waxaanu nahay Somaliland” ? Iyaga ayaa ka mas’uul ah miliishiyada maamulka Somaliland u qoran. Maxay wadaaddadu iyo madaxdhaqameedku uga aamusan yihiin gefka loo geystay dad Soomaaliyeed oo dhulkooda ku nool?

Dhammaadkii afartamaadkii diidmo ayaa lagala hortagay dadkii xafiiskii SYL ka furay Hargeysa. Dhowr sanadood kaddib, 1954kii, Biritishku wuxuu Itoobiya ku wareejiyay dhulka Hawdka waayo wuxuu Soomaalida waqooyiga u arkayay dad heshiisyadii lala galay la jabin karo. 1968kii Ra’iisal Wasaare Maxamed Ibraahim Cigaal oo soo dhisay dowladda  kana tirsanaa SYL ayaa London ka sheegay in dhulkii Soomaalida si qarsoodi ah Itoobiya loo siiyay. Haddii afartamaadkii aynu SYL taageeri lahayn xisbiyo gobanimoddoon samayn lahayn dhul Soomaaliyeed laguma dari lahayn. Qofka maanta qarannimada Soomaaliya diiddan  gefkaas dhacay waxba kama baran.

Sida aysan suurtogal u ahayn in qof soo toosay uusan ugu doodi karin inuu xalay dhalasho cusub yeeshay ama meeshuu ku sugan yahay ka tirsan tahay dal cusub, ayaysan sharci u ahayn in dad Soomaaliyeed magaalo ay maalgeliyeen si nabad ahna ugu noolaayeen laga tarxiilo. Waa sharcidaro in qof Soomaaliyeed laga tarxiilo meel ka mid ah Soomaaliya ama lagu qarantiro ( denationalisation).

Dadka la tarxiilay waa Soomaali wax ka dhisay dhulka, oo naftooda u huray inay dhulkan ka difaacaan halis badan, waa dadka dhulkooda nagu soo dhoweeyay markii abaartii Dabadheer ay nagu dhufatay toddobaatanaadkii. Intaas oo dhan waannu illownay oo ka fiirsasho la’aan ayaa innaga tanbadisay oo maanta magacii reer Waqooyi wuxuu noqday mid ku mataanaysan boob iyo qar iska tuurnimo siyaasadeed.  Waxa keliya oo caddaatay waa  in reer Waqooyigu weli maskax reer guraanimo ay sitaan inkastoo ay magaalo ku soo bateen. 

Hadal maalin dhoweyd Cabdicasiis Guudcadde, qoraa iyo tarjume, ka sheegay Hargeysa — in reer miyigii ay afgambiyeen reer magaalkii — ayaa dhab ah. Reer miyi isqabasho caan kuma aha; reer magaalnimaduna dhar la xidho ma aha. Waxay ka billaabataa in qofku kala garanayo hantidiisa iyo hantida qof kale. Maamulka Somaliland wuxuu ku sifoobay maamul budhcadnimo ku salaysan oo qaadanaya go’aammo kala sii xunxun. Waajib ayaa saaran maamulka Puntland inuu diiwaangeliyo dadka laga soo tarxiilay oo lagu boobay Laascaanood. 

Madaxweyne Muuse Biixi,  oo dhowaan sheegay in  Soomaali badan oo reer koonfureed ihi maalgashadeen Hargeysa, maanta wuxuu qaatay go’aan lagu boobay dad Soomaaliyeed oo dhulkoodii jooga. Si waddaniyad iyo bisayl siyaasadeed ka muuqato ayuu mudane Saalax Jaamac, Wasiirka Arrimmaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed uga falceliyay gaboodfalka ka dhacay Laascaanood. “ Waxaan codkayga ku biirinayaa masuuliyiinta iyo dadka Soomaaliyeed ee ka falceliyey habka loola dhaqmay dadka koonfurta  ka soo jeeda ee ku dhaqnaa magaalada Laascanood.

Waxaan cambaaraynayaa aragtida ku dhisan ‘ciqaab wadareedka’, ee ay dhibi ku soo gaadhayso muwaadin Soomaliyeed oo  muruq-maal ah, gacansade yar oo aan waxba galabsan. Maamulka Somaliland, waa inay xeeriyaan  dhaqanka suubban ee Soomaalidu u leedahay in ay isu gooshaan meel walba oo Soomali degto. Sidoo kale waa in dadka maalkooda iyo hantidooda  la badbaadiyaa. Diinteenna Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo heeshiisyada xuquuqda aadanaha ee caalamku midna gar u siinmaayo Somaliland in ay dadka taxaabto oo ku xadgudubto xuquuqdooda dadnimo iyo Soomaalinimo.

Wixii amnidarro iyo arrimo kale la xidhiidhana waa in ay ku koobnaadaan cidda faldembiyeed lagu tuhunsan yahay isla markaana xuquuqda qofkana la dhawraa” ayuu Saalax gacankiisa Twitter ku soo qoray. Wuxuu soo koobay waxa ka dhalan kara go’aammada lagu soo tarxiilay oo lagu boobay dad Soomaaliyeed. Waa fal dambiyeed kuwa galay lagala xisaabtami doono,  Muuse Biixi iyo kuwa la shaqeeya dadkoodii iyo naftooda ayay godob ka galeen.

Waa in si degdeg ah loogu caqli-celiyo kuwaan gooni u goosadku maandooriyey si ay isu qabtaan inta arrintu dabaqabasho leedahay si ralligelin iyo magdhaw loo siiyo walaalaheen Soomaaliyeed oo aannu boobnay oo dhulkooda hooyo ka tarxiilnay.

Liibaan Axmad 




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.