Soomaalidu ha Joojiyan 48-Saacadood Ganacsiga Nairobi!

Gulled Aadan — Si loo muujiyo awooda, baaxadda iyo kaalinta Ganacsi ee Soomaalida Kenya gaar ahaan Nairobi haddii Soomaalida ay 48-saacood kaliya joojiyaan guud ahaan dhaq-dhaqaaqooda Ganacsi waxaa dhici lahayd in waxbadan iska badalaan fikir-ka xaasid, riixid iyo faqooq ee u gaarka ah qowmiyadda weyn ee udub-dhexaadka u ah dadka wada dagan dalkan Kenya.
Maqaallo Keydmedia Online
Soomaalidu ha Joojiyan 48-Saacadood Ganacsiga Nairobi!

Dad aan baaritaan dhaba sameyn ayaa aaminsan in Soomaalida yihiin dad laga tiro iyo waxtar badan yahay marka la joogo Kanya oo aan loo dhutineyn, waxaase kuwaas xasuusin lahaa in marka laga soo tago xaafadda kaliya ee gobol kastoo ka tirsan Kenya uu adeeg ganacsi u soo doonto isla markaana deegaan u ah Soomaalida hadana in bartamaha magaalada (Central Business District CBD) ama Town haddii Soomaali joojiso adeegyadooda ganacsi in maalintaas dad badan su’aalo is weydiin lahaayeen.

Ma arkeysid maqaayado saf loogu jiro oo kuraasta la iska kala suganayo oo aan ka ahayn kuwa Soomaalida qiyaas ahaan waa 50-meeyo maqaayaadood oo qaarkood ay yihiin kuwo caalami ah waxayna ku wada yaalaan dhamaantood bartamaha caasimadda, xarumaha sarifka lacagaha ugu badan ee Town-ka waxaa ku shaqeeya waa Soomaali, labadda suuq ee ugu weyn Electronics lagu gado waxaa gacanta ku haayo 90% Soomaali waana suuqa Masjidka u dhow ee Jamia Mall lagu magacaabo iyo suuqa kale ee isagana Lithuli Avenue la yirraah.

Waxaa dheer tukaamo dhar, kuwo kaloo adeegyo kala duwan qabta, Sidoo kale shidaal-ka iyo raashiin-ka kaalin aan la dhayal-san karin ayay Soomaalida kaga jiraan ka ganacsigooda, Agabka baabuurta u baahan yihiin ‘’Spare Parts’, waxaa jirta in baabuurta ugu badan ee xamuul isagana kala gooshta guddaha Kenya iyo wadamada dariska ay Soomaali leeyihiin, Intaas aan soo sheegay weli wey ka baxsan yihiin xaafada hadda culeyska iyo caburinta lagu haayo ee Islii oo iyadu 50% ah goob ganacsi.

Shirkadda ugu weyn adeega isgaarsiinta dalka ee Safaricom waxaa la shaqeeya boqolaal shirkadood oo Soomaali ah oo adeega gaarsiiya bulshadda haddii ay noqon lahayd kaararka taleefanka, kuwa lacagta iyo adeega lacag dirsashada ee Mpesa.

Shirkadaha duulimaad-ka caalamiga ah waxaa wakiilo u ah oo adeeg badan bulshadda Kenya u haaya waa Soomaali intooda ugu fir-fircoon, dadku xaquuq ayay leeyihiin, wadankuna xaquuq ayuu ku leeyahay waxaase wanaagsan in ay isku dhigmaan oo aan dulmi iyo dagaal lagu bar-tilmaameedsan.

Ka soo tag intaasoo dhan, kawaran haddii kuwa jaadka dhoofiya ay joojiyaan in ay soo gataan oo Soomaaliya u diraan kaliya mudo 48-saacood ah maba yeeli doonaane.

Soomaalida waxbadan ayay dagan yihiin Nairobi gaar ahaan islii, ganacsi iyo hanti-maguurto ah ayayna ku leeyihiin waxaa wanaagsan in ay nidaam mideeya sameystaan, muujiyaan kaalintooda, ma jiro wasiir hindi ama mid kaloo cadaan ah halka annaga wasiiro cul-culus aan ku leenanay dowladda misana inala duuban, fursaddaan waa in laga faa’iideystaa dadkana la tusaa in Soomaali tahay Soomaali waligeedna ahaaneyso Soomaali.

Waa Fikir kooban oo uu nooso gudbiyay Gulled Aadan




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.