7 Billion Oo Qof See Ku Noolyihiin?  - Daawo

7 Billion oo Qof ayaa Aduunka ku nool, sidaas waxaa sheegtay UN-ka. Waayahaan dambe UN-ku wuxuu sheego ma aheyn mid dhex-dhexaad ah oo Xaqiiqada ku saleysan, waayo waxaa loo yaqaanaa Gole ey Dowladaha waaweyn Danahooda Siyaasadeed oo ey Aduunka Sadexaad ka leeyihiin ku fushadaan. Marka waa Gole lagu adeegto.
Maqaallo Keydmedia Online
7 Billion Oo Qof See Ku Noolyihiin?  - Daawo

Warkaan ayaa wuxuu soo baxay 31.10.2011. Tiro 7 Billion ah ayaan la hubin iney tahay mid xaqiiqada ku saleysan oo waxey dad badan shaki galiyeen in aan la xaqiijin karin waayo tiro koob rasmi ah Dalalka qaarkood kama jiro.

7 Billion oo Qof baa Aduunka ku nool Maxaa loo fasiran karaa? Dadka qaarkood waxey leeyihiin colaadaa iyo dagaalda ayaa Aduunka ku sii fidi doona. Gaajada iy Cudurada dilaaga ah ayaa labo jibaarmi doona. Biyaha la cabo ayaa ciriiri gali doona. Beeraha iyo wax soosaarka ayaa ayagunah hakad gali doona, waxeyna ku wereegi doonaan Ganacsatada iyo Wadamada Hormaray oo Sixir Qaali ah uga iibsan doona kuwa Fuquraada ah oo tabarta yar ee Aduunka Sadexaad siiba Qaarada Africa ku nool.

Dadka Dhaqaalaha ku xeeldheer waxey saadaalinayaan in kala yareynta Shacabka Qaarada Africa ku nool ey abuuri doonaan Dhaqaale lagu qiyaasay 700 billion oo dollarka Mareykanka ah Shanta sano oo soo socota iney gali doonaan Qasnada Banuugta Wadamada G8.


1804 dadka Aduunka ku nool tiradoodu waxey gaareysay 1 Billion. 120 SANO kadib tiradu waxey isku badashay 2 Milliarde, waqtigaas 30 sano kadib waxey gaareen Bulshada Aduunka ku nool  3 Miliarde. 1960 kadib 12-kii Sano-ba waxaa ku darsameysay 1 Milliarde.

Daqiiqadiinah waxaa Ifka Aduunka yimaada 150 Caruur ah taasoo udhiganta 80 Million Sanadkiiba. Dadku dhaqso ayee u tarmaan in kabadan soo saarka Cunada Aduunka.

Sahro Maxamed  - Keydmedia.net - Sahro.M@Keydmedia.net





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.