AAFADA ABAARTA LAGA DHAXLAY (Daawo Video)

Mog. (keydmedia) Dalalka juquraafi ahaan dhaca Bariga Afrika xiliyadii ugu danbeeyay waxaa ka taagnaa abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dad iyo duunyo intuba, waxaana xooga abaarta laga dareemay deegaanada Miyga ah ee ay ku nool yihiin dadka xoola dhaqatada ah.
Maqaallo Keydmedia Online
AAFADA ABAARTA LAGA DHAXLAY (Daawo Video)

Sabab la xiriirta abaarta waxaa u geeriyooday dad iyo duunyo fara badan deegaanado haba kala darnaadeene, mana jirto cid isu taagtay badbaadinta iyo daryeel u fidinta dadka ay abaaraha ragaadiyeen isla markaana ku duunyo beelay.

Soomaaliya gobala badan ayaa si weyn looga dareemay abaarta, waxaana gobaladaasi ka mid ah, Bay, Bakool, Hiiraan, Jubooyinka, Shabeelooyinka, Gedo iyo mudug, waxaana dhamaan deegaanadaasi badankood marka laga reebo mudug ka taliya kooxda shabaab oo is hortaagtay daryeelkii ay heli lahaayeen shacabka, waxaana dad badan oo Soomaali ah oo doonayay taageerada dadka abaarta ay saameysay ay hankooda la noqdeen markii ay waayeen dad ay aaminaan oo ay taagero ugu dhiibaan shacabka.

Gobalada iyo degmooyinka Dalka waxaa maalin walba laga soo sheegaa war ku saabsan dad Gaajo ama haraad u geeriyooday, waxaana celcelis ahaan todobaadkiiba guud ahaan gobalada abaarta darteed ugu geeriyooday ku dhawaad 50 qof oo u badan Caruur iyo dad waaweyn.

Dadka Abaarsaday ee duunyo beelay waxa ay ka soo hayaameen deegaanadii miyga waxaana ay u soo hayaameen dhanka magaalooyinka iyo deegaanada kaabiga ku haya si halkaasi ay nolal uga helaan.

Deegaanada Jaziira iyo Ceelhuur oo ku wada yaala duleedka koonfur galbeed ee Muqdisho ayaa ka mid ah goobaha ay ku sugan yihiin dadka abaarta ay saameysay, waxaana halkaasi iminka ku heysta cuna la’aan, hooy la’aan iyadoona xoolihii ay dhimanayaan maalin walba.

Hey’adihii samafalka ee ku andacoonayay inaan la tagi Karin goobaha ay shabaab ka taliyaan midoodna wali kama wardoonin xaalada nolaleed ee dadkaasi waxayna taasi muujineysaa sida aanay hey’adaha uga raali aheyn daryeelka shacabka maatada ah ee dagaalada iyo abaaraha ay isku biirsadeen.

Dadka ku taqasusay arimaha deegaanka waxa ay ku sababeeyeen abaarahan ku dhiftay bariga Afrika Roobki oo xiligiisii ka soo dib dhacay iyo cimiladi oo is dhalan rogtay, waxaana saadaalaha qaarkood ay ku biirnayaan intaasi colaadaha gobalka ka jira.

Waxaa la saadaalinayaa haddii dadku aanu helin kaalmo aadaminom oo deg deg ah in dhibaatada Abaarta ay sii kordhi doonto isla markaana ay adkaan doonto wax ka qabadkeeda mustaqbalka fog, waxaase hadda la gudboon dadka Soomaaliyeed ee damiirka Aadaminimo uu ku jiro in ay isu taagaan sidii lagu samatabixin lahaa guud ahaa dadka ku abaarsanaya gobalada iyo degmooyinka kale duwan ee Dalka.

keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.