Adigu kee baad noqon lahayd hadii aad…?

Dr. Axmad Cabdulahi (Keydmedia) - Boqor baa dhalay 3 wiil, oo kasiman tilmaamaha geesinimada iyo caqliga labadaba, wuxuuna ku wareeray midkuu boqornimad dhaxalsiin lahaa!! Wuxuuna doonay inuu boqornimada dhaxalsiiyo midka sisax ah u muta, ee kubarmoosa imtixaan dhab ah, wxuuna u tagay nin abwaan ah, si uu talo uga qaato....
Maqaallo Keydmedia Online
Adigu kee baad noqon lahayd hadii aad…?

Ninkii wuxuu siiyay fikrad uu Boqorku ku ogaan karo wiilka astaahila dhaxalka boqortooyada. Wuxuuna lafariistay 3wiil wuxuuna siiyay mid kasta 1kiish oo abuur aad uqiimo badani kujiro, wuxuuna kuyiri; waxaan u anba baxayaa safar Xaj oo qaadan kara 2sano ama kasii badan.

Wuxuuna ka codsaday inay abuurka sifiican usii xifdiyaan inta uu kasoo laabanayo safarka.

Wiilkii 1aad wuu qaaday wuxuuna ku shubay abuurkii sanduuq bir ah, si uu ugu sii ilaaliyo inta uu aabihii kasoo laabanayo.

Kii 2aadna wuxuu fahmay in haduu sida walaalkii kurido sanduuq uu dhimanayo, wuxuuna go´aansaday inuu iibiyo abuurka, lacagtiisana xifdiyo, markuu aabihii soo laabtana midkale ugu soo iibiyo.

Kii 3aadna abuurkii wuxuu ku abuuray beer aad u qurux badan, waxayna usoo baxday (dheeli iyo ubax) aad uqiimo badan, oo caraf iyo bidhaan qurxan leh.

Boqorkii markuu soo laabtayna wiilkii 1aad wuxuu soo bixiyay abuur qalalay oo qurmay, oon bidhaan iyo caraf midna aan lahayn. Boqorkiina wuxuu yiri; wuxuu ahaaa abuur leh qurux iyo caraf badan, hadana sidaasuu u ekaaday! 

Wiilkii 2aadna wuxuu soo bixiyay abuur qurxan oo aan dhimanin, oo suuqa laga soo iibiyay, boqorkiina wuxuu yiri; waad kafiican-tahay walaalkaa, lakin sikafiican baad samayn kartay!!

Wiilkii 3aadna wuxuu geeyay boqorkii beer weyn oo ubax iyo dheeli kabuuxaan, caraf udgoona kasoo kacayso, qofkastoo quruxdeeda arkaana uu farxayo. Wuxuuna kuyiri aabihii abuurkaagii beertaasuu buuxiyay, markay go´dana waxaan kusiin doonaa abuur-kaagii iyo kasii badan.

Boqorkiina aad buu ufarxay wuxuuna yiri; adaa ku haboon inaad gadaashay boqor noqoto, waxaad ku guulaysatay inaad abuurkii kadhigtay beer iyo ubax qiimo leh, qurux iyo nolol sameeyay. Adaa mudatay inaad wadanka ku xukunto garasho iyo garaad sare (lakala badi orad uun ma aha).

Hadaba waxaa su´aal ah; maxayna dadka badankoodu ukari karin inay sameeyan sida uu sameeyay wiilka 3aadi, oy dhaliyaan horumar, waxqabad, isbadel qiimo leh?? Asbaabuhu wey badan yihiin, waxaana kamid ah, wahsiga badan, shaqo nacaybka, raaxo iyo shaxaad jacaylka iwm. Iyo qofka oon diyaar u ahayn inuu bulshada wax kusoo kordhiyo, khayr iyo wanaag u abuuro  u talaalo;  maal, Sharaf, Cilmi iwm.

Hadaba waxaa isweydiin mudan adu keed noqon lahayd sadexdaa wiil; garaadkaaga iyo garashadaadu intay dhan yihiin? Wixii laguu dhiibo faa´iido maka keeni lahayd mise waad qurmin lahayd? Sida uu yeelay wiilkii kowaad!! Mise waa xadi lahayd sida ay dad badani yeelaan?? Mise wad dayici lahayd, sida ay kuwa kale yeelaan??

Makufikirtaa inaad abuurto beer ay dadku kagoostaan miro macaan, si markaad aduunayada katagto kaaga haro Camal qurux badan oo ay indhuhu ku raxaystaan, caraftiisana dadku sanka lasoo-racaan, sheekadiisa maqalkeedana ay kufarxaan??

Waxaana lahubaa inuu qof-waliba markuu maqlo ama akhrio qisadan ama mid lamid ah  uu oran karo, waxaan samayn lahaa sida uu sameeeyay wiilka 3aad, balse waxaa adag inaan noqono kuwa leh dareen dheer, fikir fiican, oon kukobcin karo caqligeena kasmadeena, awoodeena maskaxeeda siaan uyeelano dareen sare oo kusalaysan waxqabad, wax dhisid, khayr reebid, wanaag fidin iwm.

Wiilashan waxaa kala soocay; waxqabad iyo wahsi, oo labada hore waxay door bideen nasasho iyo raaxo bilaash ah (waxaa kabaqayaa inay Somali ahayeen). Halka uu kankale doortay inuu dadaalo, shaqeeyo, dhidido, waxqabto, (nimaam shaqasanini shaah macabo) siuu ugaaro guul iyo wanaag loo aayo. Waana arin waafaqsan sunada uu Ilaahay kudhisay aduunyadiisa; inuu qofkii dadaalaa gaaro; guulo aad usareeya aduun Aakhiro labadaba.

Qofkii wahsiga nasashada, seexasha, fadhi-kudirirka, badiyaana uu goosto jab, wax la´aan, khasaare, qoomamo iwm.

Waxaana lafahmi karaa labada wiil ee hore inay nasab lawadageen shacabka Somali, madama ay jeclayeen inay dhaxlaan boqornimo/ madaxnimo ayna kartideedii, cilmigeedii, fikirkeedii midna lahayn, soo baranin, una soo shaqaysanin!. Waana cudurka nahalaagay ee burburiyay dalkeenii iyo jiritankeenii intaba; inuu qofwaliba rabo inuu meel kugaaro, sharaf kuyeesho, madax kunoqdo, kutaajiro, inuu yahay ree hebel, ina hebel, adeerkaybaa hebel ahaa jiray iwm.

Intaana waxaaba kasii daran in hadaii laweydiiyo maxaad taqaanaa, maxaad qaban kartaana uu kujawaabo; waxkastaan aqanaa, waxkastana waan qaban karaa!!.

Keydmedia.net


Dr. Axmad Cabdulahi - Editor of society, health and education policy for Keydmedia Axmed.abdulahi@Keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.