Ahlusunnooy: Lagga aragtaye Laaca ma ogtahay?

By Bashiir M. Xersi - Maahmaah ayaa dhaysa: “Ninkii qeyrkiis loo xiiroow Adiguna soo qoyso!” mid kale waxay leedahay: “Qoray iyo Qiiciis waa la isla tuuraa” dhanka kale, dadka waxaa halqabsi u ah, markay arkaan laba wax oo is leh, in la is raaciyana mudan, inay dhahaan waa: “Dameer iyo labadiisa dhagood” sidoo kale waxaa la yiraa: “waxaasi waa labo waji ee hal lacag leedahay”.
Maqaallo Keydmedia Online
Ahlusunnooy: Lagga aragtaye Laaca ma ogtahay?

Haddaan todobaadkii tagay qoray Qormadii ahayd: “Colka Waraf ma lagu dayey?” kuna meeraysay wadaadadii dambe ee aan Anigu u bixiyey “Wadaadadii wallida waday” ee midawgii Maxkamadaha, eggana doonayey inay dib isu urursadaan, shalay say u huwadeen shaar dhalaal badan, mayee birbiriq badan -DIIN-, ayey maantana shaar kale oo ka sii dhalaal badan huwan rabaan, haddaay shalay Islaannimo dugaashadeen, maanta waa Midnimo.

Haddaba qormadan waxaan doonayaa inaan wadaaddo kale ku qabiro, culimo kalana ku qoor xiro, oo aan codka, camalka, iyo cuuryaamintooda ku caynsho qalinkana u duldhigo, waxay ku doodaan daliilna u helayaan inay yihiin culimadii ciidda, casri horana soo gaaray gayiga, gu’ yaal badanna go’aanka, gorfaynta iyo guubaabad talada tolka qeyb weyn ku halaa, aanse waxba dhaamin dhiggooda ugu yaraan xilligaan la joogo.

Gadgaddoonka waayaha iyo kala guranka maalmaha, waxaa ka guntama is badal, farxad wata ama naxdin leh, wixii qabax iyo qori dhacayey, dagaalna dabada lahayey, ee qabiil, beel iyo jufo loo diriray, qabqabluhuna u ahaa calan sidaha aan marna dhicin iyo udub dhexeedka halaajinta umadda, yaa is lahaa culimada ayaa ku lug yeelanaysa cadaabka lagu hayo umadda? “Cimrigaaga oo raaga Geel dhalaana wuu ku tusaa” waa tii la yiriye, waxaa la yaab ah meesha wax ku dhammaadeen, halka la taagan yahay iyo sida xaalku ku dambayn doono.

Dhanka kale, socodka waqtiga iyo sodcaalka dadku ugu jiro dhisma nololeedka marba meel ayuu la maraa, is qabadka labadaa waxaa ka dhasha, is waafaq marna is garab mar iyo kala weecad, markay is waafaqaan waxaa is biirsada ayaanka waqtigu dhaliyey iyo dadaalka dadka, oo keena horumar iyo in heego sare la gaaro, haddiise ay kala weecdaan waxaa ka dhasha, ayaandarro laba jibbaaran, waa maroo, waxaa dhasha xilli xun iyo waqti aan wanaagsanayn, waa marka kalee, waxaa luma dadaalka dadka iyo is xilqaankooda, meeshaasna waxaa ka dhasha aayo xumo iyo mugdi umadi ku dambayn doonto!

Markii wadaadadii dagaalka safka hore ka galeen, xooreen gadaalna iska xijiyeen wixii ay Kitaab ku xamlanaayeen, ama u kilkilaysnaa waligoodba, waxaa dhacay wax lala yaabo! Wadaadada dambe saansaan colaadeed waaba lahaayeen, oo waxaa ka fanfaniinayey waligoodba Aayadaha Jihaadka iyo erayada dagaal galintee, Ahlusunnana maxaa qaaday?, waxay noqotaba, waxay la falgaleen dagaal diimeedka, qaybna uga noqotay xerta Meles iyo xigaalada Xabashida.

Ahlusunna intii uu socday dagaalka sokeeye ee u dhexeeyey beelaha Soomaaliyeed qayb muuqata kama qaadan, micnaha lama arag tikniko Ahlusunna ku suntan oo dagaalka safka hore kaga jirta, waxay ku sii dhaganaayeen dhaqankoodii hore, ee ahaa Tusbaxa iyo Wardiga, waxaase la dhihi karaa kama marnayn Xijaab xirka Mooryaanta beesha ee dagaalka u gayfan, ama inay Tahliil u tufaan gawaarida gaashaaman ee reerka, loona qoofalay inay u baqoolaan weerarka beel kale, tani waa mid iska caadi ah, maxaa yeelay qabqable walbaa wuxuu leeyahay wadaad uu ka ducaysto Bunkana uu u dubo!

Dirirta Daarta dambe

Alshabaab waa dhal feker diimeed xagjir ah, siduu u billowday dagaalka jihaadka iyo ku janno tagga diirka Soomaaliga ah, waxaa si toos ah loo beegsaday xarumaha Ahlusunna, tacaddigaa waxaa gaystay Alshabaab, oo fal kasta oo xun Alla ugu dhawaada, waxay burburiyeen dhismayaal, faageen qubuuro ay ku aasnaayeen wadaaddo caan ka ah gayiga Soomaaliya, qabuuro faagiddu waxay ku badan tahay kuna badnayd koofurta fog, gaar ahaan gobollada: Baay, Bakool, Gedo, iyo labada Jubba, meeshaas oo si joogta ah ay uga dhacaan tacaddiga loo gaysto mayd gu’yaal hore lafa lafo noqday!

Falalkaasi dabcan xanuunkooda ayey leeyihiin, waxayna si toos ah u taabanayeen Ahlusunna, Alshabaab daansi daansi kama ahan sida muuqata, waxayse ka tahay qalad sixid iyo toosin diimeed, Diineey xaalkaa ba’! Waase yaabe, diinta faraysa in dadka la dhibo waa tee? Kuma sii jirto hadduuba geeriyooday; in loo duceeyo waxaan ka ahayn ma mudna! Alshabaab dhaqan xumada waa caadadooda, waxayna had iyo jeer ku hawlan yihiin sidii ay u tirtiri lahaayeen wixii iyaga ka soo hara, ama aan ku mabda




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.