Alqaa’eda oo xireysa Babul Mandab!

Dhibta ka jirta Yemen, hadey u gudubto marxalad Fowdo ah waxa ay dhalineysa in uu xirmo babul mandab, oo ah meesha Gacanka u ah bada Cas, waana dhul ka u dhaxeeye Yemen Iyo Jabuti, waana meel aan dhameyn balaceeda 100 km.
Maqaallo Keydmedia Online
Alqaa’eda oo xireysa Babul Mandab!

Waxa hada ka hor Osama Binu laden iyo Madaxda sare ee Alqaeda ay ugu baqeen in ay midobaan Alqaeda joogta bariga dhexo oo dhan, oo ay saldhig ka dhigtaan Yemen, waana mudo hada laga joogo 5 sano ka hor.

Maanta "riyadii" Osama Binu laden wey rumowdey, oo Yemen waa sadhiga Alqaeda ee aduunkoo dhan, waxaana lagu mideeyey alqaedadii joogtey Saudi Arabia iyo jaziirada Caraba too dhan, waxayna isugu yimadeen Gobolka la yiraahdo Abyan, oo waxa ay ku lee yihiin saldhigyo waawey oo Ciidamo iyo kuwa kaloo tababar.

Qabiilo badan oo daga Bariga Aden waxa ay tageero iyo taakulo lagarabtaagan yihiin Alqaeda Joogta Yeman, oo ay ka tirsan yihiin qabiiladaas qarkood, waana meel aad iyo aad ugu dhow Babul mandab.

Yemen uma eka xaalkeedu in uu hagaagi doono , oo qoloda mucaaradka ah ee ku kacsan xukumada hada, oo wada kacdoonka shacbiga ah, waa ay diidan yihiin xalkii ay usoo jeediyeen Dowladihii khaliijka Carabta, oo ay ku gacan sereen, waxayna shardigooda kowaad ka dhigteen in maxkamad la saaro Madaxweyne Cali Abdala Saalax, waana arin aan macquul aheyn , oo uu madaxweynuhu xariga daldalaada madaxa iskuma galinayo suu sheegey Madaxweynaha Yemen, taasina waxa ay dhalineysa in aan wax xal ah kasoo bixin yemen, oo Burbur ku dhaco.
 
Alqaeda iyaduna door ayey ku leedahay waxa ka socda yemen maanta, oo maslaxad xoogleh ayaa ugu jira burburka Yemen, Dowladaha Khaliijka Carabta walwal xoogleh ayey ku heysa arimaha Yemen, oo looga baqayo in burbur ka dhaco, sababtoo ah waxay og yihiin dhibta yemen in aysan ku ekaneyn Yemen oo kaliya ee waxa ay sameyneysa Dowladaha Khaliijka Carabta oo dhan.

Waxa intaas sii dheer riyadii Osama oo aheyd in Yemen ciidan xoogleh laga abuuro, oo alqaeda ay ku yeelato.

Al shabab waxa ay xiriir la lee dahay Alqaeda, waxaana xiriir toos ah ka dhaxeeyo kuwa jooga yeman iyo madaxda Al shabab, hadey Yemen Fowdo ka dhacdo, waxa Somalia oo dhan la wareegayo Al shabab, waana sinaaryo macquul ah, hada oo la joogo ayey Al shabab taakulo ka hesha Yemen, mar hadii fowdo ka dhacdo Yemen waxa shaki ku jirin in Al shabab ay xoogsaneyso, oo mudo yar oo gaaban ay ku qabsaneyso Somalia oo dhan.
 
Bada cas gacanka baabul mandab waxa mara maalintii 20,000 markab , saan sheegneyna alqaeda hadafkeeda kowaad waxa uu yahay in ay curyaamiso dhaqaalaha reer galbeed, gaar ahaan shidaalka mara gacankaas oo dhan ayaa istaagaya , waxaana dhaceyso in gacankoo dhan lagu dagalamo , waxa dhaceysa oo kale in dhibtaas ay soo gaarto Gobolada waqooyiga Somalia , oo amni xumo xoogleh ay sameyso, waxaa dhaceysa in ay Al shabab, ay xooga saarto in ay gobolada dhexe oo dhan ay qabsato, kadibna ay ku fakarto in ay gaarto xeebaha bada cas, sida bosaaso iyo barbara.

Sinaaryowgan waa mid ay og yihiin reer galbeedku, lakiin maaha arin fudud oo wax laga qaban karo, waxa ay wadaan dowlado khaliijka carabta wada hadal in ay wax ku dhameyaan, arintuna uma eka in ay ku dhamaaneyso, sida muuqata.
 
Ethiopia waxa ay hada ka hor ka digtey sinaaryowga ah in ay Yemen fowdo ka dhacdo, sababtoo ah waxay og tahay, Yemen iyo Somalia oo wada socoto in uu amnigeedu khatar ku jiro, waxaana u sawirmay Males Zinewi taariikhdii Imam Ahmed Gurey, oo taakula ka heli jirey Yemen waguu jihadka kula jirey Boqortoyadii Aksum la oran jirey ee xabashida.
 
Ethiopia iyo Kenya, hadey dowladii Somalia si daacad ah ula shaqeyn lahayeen, maanta dhibtaas ma qabsadeen. UN hadey Somalia Dowlad sax ah la dooni laheyd, maanta waxa ay ka badbaadi lahayeen Sinaaryowgaas aan soo sheegney, oo ah arin macquul ah, waxaana uu ku hirgali kara Yemen oo fowdo ka dhacdo oo kaliya.
 
Ethiopia iyo Mareykan wada socda waxa ku soo socda maalmo xanuun badan , oo ay ugu wacan tahay siyasad xumadooda iyo naceybka ay u qabaan umada somaliyeed, Mareykan kibirkiisa ayaa jabiya badana waana mida maanta uu uga dhamaan la yahay Taalibaan, oo dagaalka ay kula jiraan uu socdo mudo ka badan 9 sano, wax natiija ahna kameysan gaarin, oo dhaqalahooda ayaa ku burburay, Ethiopiana waa Imparadooriyed u fakarta sida mareykan u fakaroo kale oo isla weyni been ah aya ku jirta, waana mida ku kalifeysa in ay taariikhda dib usoo noqoto, sidey ahaan jirtey qarnigii 15 aad.
 
Ugudanbeytii waxaan oranlaha ilaheybaa og waxa u roon Umada Somaliyeed, waxaana laga yaaba in ay maslaxad noogu jirto Dhibta ka jirta Yemen, madaama Aduunka Somalia wax la wadin, waa in ay carabtuna dhadhamiyaan dhibta Somali ey ku jirto, oo Cadowga Umada Somaliyeed kusoo duulay.

Qoraalkaan waxaa soo diyaariyay: Dr. Ali Warsame

____




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.